DIBLOMAASIYAD DIIQADAYSAN: Maxay tahay mas’uuliyadda gaarka ah ee Somalia ka saaran Sucuudiga laakiin aan Sucuudiga saarrayn?

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2019 – Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa shalay soo saartay War Saxaafadeed ay ku dhaleecaynayso qaraxyo loo gaystey markabyo iyo beebab ay Sucuudigu leeyihiin oo aan xitaa saaxi loo ogayn cidda ka dambaysa.

Yeelkeede, muhiimaddu waxay tahay in aan yara dul istaagno waxa keenaya in Somalia ay markasta dhex booddo arrimo ku saabsan Sucuudiga oo ah dal is bixin kara danihiisana kala xaali kara caalamka.

Micnuhu ma aha inaan dal mid kale hiillo u muujin karin, balse waxaan ka hadlaynaa in aysan yara miisaannayn inay Somalia aad diiradda u saarto arrimaha Sucuudiga iyadoo ka jawaabaysa arrimo xitaa iska sahlan oo aan weli faraha ka bixin, tusaale ahaan, khilaafkii yaraa ee beri dhowayd dhex galay Sucuudiga iyo Sweden ama Sucuudiga iyo Canada.

Waxaa kale oo jirta xog sheegaysa in Somalia ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan codsi ka yimid Sucuudiga, waloow dadka loo sheegay arrimo kale sida mad’habta Shiicada oo ay Somalia ku faafinaysey iwm, taasoo iskeed gaar loo mamnuuci karo ama heshiis lagu xusi karo inaan la faafin karin halkii xiriirka la jari lahaa gebi ahaanba.

Waxaa intaa dheer in Sucuudigu aanu maanta anshax ahaan taagnaynba moowqif loogu hiillin karo, waayo Yaman oo marna deris la ah marna Carab iyo Muslim la ah ayuu ku macluulinayaa malaayiin dad ah oo Muslimiin ah, qaar kalena madaafiic iyo gantaalo ayuu u qoray, marka malaha Somalia ayuu ka jecel yahay Yaman? Waxaa dheer in nimaadka Sucuudiga maamulaa uu yahay mid aan lahayn qiyam iyo qorshe wax u taraya umadda Islaamka ah, balse ay yihiin dad ku shaqeeya qorsheyaal shisheeye, sida Maraykanka.

Tan kale, aan is waydiinnee maanta ma Somalia ayaa Sucuudiga garab iyo taageeris uga baahan mise Sucuudiga ayaa Somalia uga baahan? Yay tahay in maanta dadka laga horeeyo? Jeer Somalia ay faragelin ku hayaan dalal badan oo aanu Sucuudiga laftiisu ka marnayn.

Tusaale ahaan, intii mudda ahba waxaa Somalia faragelin ku hayey dalal badan oo ay ku jiraan kuwa deriska. Itoobiya ayaa daashey kaddib ku dhowaad 30 sano oo ay Somalia qasaysey.

Waxaana iminka kabaheedii illatay Kenya oo iyadu fara dheeraatay Itoobiya, kaddib markii ay bilowday muran cusub oo ay ku sheeganayso dhul badeed ay Somalia abid lahayd.

Haddaba weli ma maqalnay Sucuudiga oo arrintaa si gaar ah uga soo saaraya War Saxaafadeed uu Kenya ugu sheegayo inay faraha kala baxdo Soamlia? Mase aragnay Sucuudiga oo Imaaraadkan ay saaxiibbada dhow yihiin u sheegaya inaysan Somalia ka mudnayn hab-dhaqanka cusub ee uu lasoo galay?

Waxaa kale oo is waydiin mudan in mudadii ay Somalia tooska u muquuranaysey dagaallada sokeeye ee shirarka faraha badan loo qabanayey aanu Sucuudigu marna muujinin tacaduf ku aaddan dhibaatada Somalia, ma diidanin inuu mararka qaar soo dhiibo timir siyaasadaysan ama firqaysan, balse marna may dhicin inuu keeno wax qorshe ah ama muujiyo hiillo ah ama xitaa ka xumaan ku aaddan dhibaatada ballaaran ee uu dalkeennu galay.

Qiyaas haddii uu Sucuudigu oran lahaa Soomaalida waxaan shir dib u heshiisiin ah ugu qabanayaa magaalada Maka ama Madiina? Ama waxaan bixinayaa balaayiin lacag ah oo wax lagu kala furdaaminayo? Waxaa oo dhami may dhicine waxaa dhacaysey in si insaaniyadda ka baxsan loola dhaqmo Soomaalidii u carartay Sucuudiga, halka ay soo dhoweeyeen dad aan diin iyo dhaqan toona la wadaagin.

Waxaa ugu darnayd markii ay Muqdisho usoo tarxiileen dayuurad siddey dad Soomaaliyeed, xilli ay Muqdisho tahay magaalo ay Amxaaro haysato, dagaal ba’an iyo duqaynina ka socoto, taasoo keentay in xitaa la waayo meel dayuuraddaasi ka degto, kaddib markii ay diideen gobollada qaar.

Maadaama aannu annagu noqonay umad meel xun is dhigaysa Sucuudiga oo aan hab-dhaqanka nidaamka ka jira aqaanno kuma canaanan karo kamana sugi karo inuu wax badan inoo qabto, balse waxaa khalad ah inaan la haanyoonno abaal aan naloo gelin, mararka qaarna aanba ku abaal ka dhacno kuwii abaalka noo galay, anagoo dabaqayna siyaasad dibadeed ku dhisan XAQAL-JEEB, balse aan ka tarjumaynin danaha shacabkeeda iyo sida ay diblomaasiyaddu u shaqayso toona.

Tusaale, haddii ay Turki iyo Sucuudi is khilaafaan khasab naguma aha inaan midkoodna u hiillinno, waayo waa laba dal oo dhisan oo yaqaanna sidii ay arrimohooda u maareeyaan.

Beri dhowayd waxaan maqlayey Wasaarad Dibadeedka Somalia oo leh: ”Marnaba geli mayno isbahaysi ka dhan ah Turkiga iyo Qadar,” waa sax in Turkigu gaar ahaan wax noo qabtay marka loo eego dalal badan oo kale, misna saas oo ay tahay inaan xiriir la samaysanno dal ay Turkiga is hayaan kama dhigna inaan Turkiga wax u dhinnay, ee waa inaan raacdaysanayno wixii aannu dan qaran u aragno.

SOO JEEDIN – Waxaan soo jeedin lahaa, horayna aan dhowr mar u sheegay in horta loo baahan yahay inay Somalia yeelato siyaasad dibadeed oo haadsan, bisil lagana baaraan degey oo uu xitaa adduunku ogyahay hilinnada ay marto iyo hab-raaceeda, si aynaanu noqonin dal aan wax ujeeddo ah lahayn balse ay qolaba maalin dhan u jiidato.

Waana in la joojiyaa siyaasaddan deg deggu ka yara muuqdo ee ka jawaabaysa su’aalo aysan xitaa cidina na waydiin ama aanba naloo ogayn, xitaa beri dhowayd mar aan sidan oo kale Sucuudiga hiillo u muujinnay iyagoo Turkiga arrin heer hoose ah ku doodaya Somalia magaceeda laguma darin dalalkii uu Sucuudigu sheegay inay u hiilliyeen, illeen waa tii la yiri ”Hiillo abaal malaha, kii aad ka hiillisayna waa kuu hayaa.”

Doodda xitaa meel macquul ah ayaa laga galaaye, maxay tahay waxaan cambaaraynaynaa shimbir kasta oo Sucuudiga dul haadda? Sax maaha ee si kale halloo dhigo.

Wasaarad Dibadeedka Somalia lafteeda waxaa u taalla kun shaqo oo dal dhan baa dib u dhis u baahan, marka intii aanu cambaarayno qalalan soo saari lahayn qorshe siyaasadeed halla sameeyo hana lagu dhaqaaqo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media