SAWIRRO: Nin Yuhuud ah oo wejiga uga CANDHUUFAY Danjirihii Poland u fadhiyey Israel (Xiisad diblomaasiyeed oo sii xoogaysanaysa)

0

(Tel Aviv) 15 Maajo 2019 – Danjiraha Poland u fadhiya caasimadda Israel ee Tel Aviv, ayaa waxaa wejiga uga candhuufay nin Yuhuudi ah xilli ay sii kululaanayso xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex aloosan labada dal.

“Aad baan uga walaacsan ahay weerarka cunsuriyadeed ee lagu qaaday Danjiraha @PLinIsrael ambassador @mmagierowski. Poland marnaba uma dulqaadanayso weerar kasta oo ka dhan ah diblomaasiyiinteeda,” ayuu yiri RW reer Polish, Mateusz Morawiecki oo Twitter adeegsanaya.

Afhayeenka Booliiska Israel ayaa sheegay in ninka falka gaystey oo ah 65-jir lagu magacaabo Arik Lederman, la xirey balse isla maanta oo Arboco ah damaanad lagu sii daayay, isagoo weerarka ku tilmaamay mid ceeb ah.

Wasaarad Dibadeedka Poland ayaa caasimadda Warsaw kula kulantay Danjiraha Yuhuudda u joogta dalkaasi, Anna Azari, si ay walaaceeda ula wadaagto, sida lagu faafiyay Wakaaladda PAP.

“Arrintan waxaa baaraya Booliiska, balse waxaannu la tacaadufaynaa Danjiraha anagoo weerarkan ka argagaxsan,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Israel, Emmanuel Nahshon.

Xiriirka labada dal ayaa madmadow soo galay bishii Jannaayo 2018 kaddib markii ay Poland meel marisay xeer cusub oo dhigaya inaan Poland lagu eedayn karin Yuhuuddii uu Nazi-gu ku dhibaateeyay dalka Poland muddadii uu haystey iyadoo diiddey adeegsiga kelmadda ”Xeryaha geerida Polish-ka” iyadoo doonaysa in la adeegsado ”xeryaha geerida ee uu maamulayey Jarmankii Poland haystey.

Arrintaasoo aan laga soo dhowaynin dhanka Israel oo ku doodday in Polish badani ay iskood u dhibaateeyeen Yuhuudda, iyadoo xitaa kaddib jabkii Nazi-ga uu nidaamkii Shuuciga ahaa ee Poland uu qaramaystay hanti badan oo ay Yuhuuddu lahayd, taasoo ay iminka dalbanayaan in loo celiyo.

Israel ayaa sidoo kale dareensan in dowladda Waddaniga ah ee PiS ee Warsaw ay beer jileec u muujinayso kooxaha xag-jirka ah ee midigta fog oo aad u neceb Yuhuudda iyo dadyoow kale, kuwaasoo xitaa Jimcihii halkaa ku dhigay dibed bax ay ku diiddan yihiin xeer uu Maraykanku soo saaray oo dalbanaya in la celiyo hantidii Yuhuudda laga dhacay xilliyaddii Dagaalkii 2-aad iyo kaddib.

Ninka Danjiraha ku candhuufay ayaa iminka raalli gelin bixiya, isagoo sheegay in dad eheladiisa ka mid ah lagu waxyeelleeyay Poland, isla markaana uu Safaaradda u tegey inuu wax waydiiyo arrinta hanti celinta.

Safaaradda iyo Qunsuliyadda Poland ee Israel ayaa dhowr mar oo hore la kulantay weerarro ay ka mid ahaayeen in gidaarradeeda lagu qoro aflagaaddo iyo astaantii Swastika-da Nazi-ga.

ãåáøåú äîùèøä(îøçá éø÷åï): ìôðé æîï ÷öø ãååç òì ëúåáåú ðàöä ùöåééøå òì ìåç îåãòåú åòì ùòø ëðéñä ìùâøéøåú ôåìéï áøçåá ñåèéï áú”à. äîùèøä ôúçä áç÷éøä åäçìä áàéñåó òãåéåú òì îðú ìàúø àú äîáöòéí

Hadalsame Media