Juventus & Inter oo isku haysta laacib muhim ah (Wakiilkiisa oo ay durba la kulmeen)

0

(Milano) 15 Maajo 2019 – Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa sida la sheegayo la wada kulmay wakiilka laacibka garab weerarka ah ee Manchester United ee Alexis Sanchez.

Sida lagu faafiyey webka Gianluca Di Marzio, labada naadi ayaa cagta cagta u saaraya ciyaaryahanka reer Chile ee Sanchez oo ay doonayaan inay Serie A ku celiyaan.

Weriye ka howlgala hilinka Sky Sport Italia ayaa arrintan soo bandhigay isagoo xitaa sheegay in ay laba kulmeen wakiilka laacibka, Fernando Felicevich.

Yeelkeede, wax dhaqaaqayaa ma jiraan jeer uu laacibku wax badan ka jaro mushaharka cirka ku shareeran ee uu iminka qaato oo ah €12m oo euro sanadkii, taasoo aan ka go’in labada naadi.

Alexis ayaa Juve lala xiriirin jirey isagoo weli xiran maaliyadda Udinese kahor intaanu ku biirin kooxda Barcelona fasalkii 2011.

Hadalsame Media

Facebook Comments