”Ku noqo Somalia!” – Imaamka Masjidkii la weeraray oo daboolka ka qaaday XOG aysan jeclaysan doonin Booliiska NZ (Maxaa dhacay?))

0

(Christchurch) 14 Maajo 2019 – Imaamka Masjidka Al Nuur ee beri dhowayd jamaacada lagu laayey xilligii weerarkii magaalada Christchurch, ayaa iminka daboolka ka qaaday in ay Booliisku ka hoos qaadi waayeen dhowr jeer oo ay gaarsiiyeen walaac ay ka qabeen dhacdooyin aan caadi ahayn oo ay la kulmeen.

Imaam Gamal Fouda ayaa sheegay inay Booliiska gaarsiiyeen tuhun ka galay booqdayaal reer Yurub ah ama caddaan ahaa oo masjidka yimid dhowr mar, balse ay Booliisku u sheegeen “inaysan wax wayn ahayn”, sida lagu qoray Newshub.

Dadka ugu waawayn waxaa ka mid ah ganacsade caan ka ah magaalada Christchurch oo la yiraahdo Philip Arps oo masjidka iyo jamaacadiisaba muddo dheer daandaansi iyo xurmo tirid ku hayey.

Tusaale 2016-kii, waxaa sawirro laga qaaday isagoo madaxyo iyo xaab doofaar u wada dhanka Masjidka Al Noor Mosque iyadoo uu wehliyo nin kale, waxayna saarayeen salaantii NAZI-ga.

Ninkan ayay markii dambe Maxkamadi ku xukuntay $800 oo doollar oo ganaax ah, iyadoo lagu helay dhaqan hujuumi ah.

Waxaa dheer, kahor weerarkii 15-ka Maarso, waxaa masjidka yimid nin caddaan ah oo aan ahayn midka weerarka gaystey, kaasoo sheeganayey inuu doonayo barashada Islaamka.

“Aniga ima soo eegaynin, markii aan magaciisa waydiiyeyna wuxuu igu yiri ‘waxaad doonto iigu yeer’,” ayuu Fouda u sheegay Newshub, oo intaa ku daray inuu ishiisa ka arkayey inuusan caadi ahayn, balse markii ay Booliiska gaarsiiyeen lagu aamusiyey ”halis maaha.”

Markale, waxaa Masjidka yimid laba nin oo u muuqdey kuwo aan caadi ahayn, balse Booliisku lama garan, weliba labadan nin waxay jamaacada u sheegeen inaysan Muslim fiican ahayn oo ay iyagu Muslim yihiin.

“Maxaad dalkeennna ka qabanaysaan? Orda u laabta dalalkiinna!”ayay iyagoo dhaaranaya ku yiraahdeen laba nin oo midna Soomaali ahaa midna Bangledeshi waana gaarsiinney Booliiska,” ayuu yiri Imaam Fouda oo sheegay inuu qiyaasayey inay yihiin rag dhowaan soo ”Islaamay” oo Daacisha ah.

“Booliisku markale waxay iska soo jareen ‘halis maaha’ … balse Muslimiinta kaliya halis kuma ahane waxay xitaa halis ku yihiin guud ahaan New Zealanders-ka. Marka hubiya ayaan iri waxay se ku jawaabeen ‘Maya, wax sidaa muhiimad amaan u leh maaha, waxaa noo yaalla arrimo kale’,” ayuu yiri Fouda.

Hadalsame Media