”Dhaqaalaha Somalia wuxuu samayn doonaa KOBAC ka badan sanadkii hore” – Saadaasha IMF

0

(Nairobi) 14 Maajo 2019 – Dhaqaalaha Somalia ayaa soo kabanaya iyadoo la filayo inuu sanadkan 2019 kobco 3% halka uu sanadkii tegey ee 2018 ka kobcay 2.8%, sida ay faafisay Wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa hay’adda IMF.

Sidoo kale saadaal ahaan, sicir bararka ayaa hoos u yara dhici doona isagoo noqonaya 3% isagoo ka soo dhacay 3.2% oo uu joogey xilligan oo kale sanadkii tegey, sida ay maanta sheegtay hay’adda Lacagayoowga Caalamiga ah ee International Monetary Fund.

“Dhaqaalaha Somalia wuxuu sii wadaa soo kabasho taageerayana howlaha dib u dhiska, isgaarsiinta iyo qaybaha ganacsiga,” ayuu yiri Allison Holland, oo hoggaamiya kooxda IMF ugu qaybsan ka wada hadalka Barnaamijka Article IV program, oo soo khuseeya dib u habeeynta hannaanka dhaqaale ee Somalia oo Nairobi ka hadlayey.

Hadalsame Media