DAAWO: Muuqaallo muujinaya burburka gaarey maraakiibtii Imaaraadka lagu weeraray oo la helay!

0

(Fujayrah) 14 Maajo 2019 – Muuqaallo laga soo qaaday markab nooca saliidda qaada ah oo uu leeyahay dalka Norway ayaa muujinaya dhaawaca markabkan ku gaarey xeebaha magaalada Fujayrah ee Imaaraadka, sida lagu faafiyey qaybta af Carabiga ee RT.

Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa sheegay in markabkan iyo 3 kale oo u dhowaa lagu qaaday weerar ay ku tilmaameen ”kharbudaad.”

Sawirrada ayaa muujinaya jug wayn oo soo gaartey markabka Andrea Victory, oo ah markab booyad ah oo laga leeyahay dalka Norway, kaasoo ku xiran dekedda Fujayrah.

Burburkan ayaa markabkan kusoo gaarey weerar dhacay Axaddii oo markabka lagula dhuftay “walax aan la aqoonin,” sida ay sheegtay sharikadda Thome Ship Management, oo ah midda markabkan maamusha.

Seddaxda markab ee kale oo ay 2 leeyihiin Imaaraadku, midna Sucuudiga ayaa sidoo kale jugo soo gaareen.

 

 

Hadalsame Media