KASHIFAAD: Weerarradii maalmahan ka dhacayey Gacanka Beershiya oo ujeedkooda la ogaadey! + Muuqaal

0

(Washington, DC) 14 Maajo 2019 – Weerarro is xig xiga oo lagu sheegay “kharbudaad” oo beryihii dambe ka dhacayey xeebaha Khaliijka kuwaasoo lala beegsaday maraakiib kuwa saliidda qaada ah iyo beebad ayaa dusha looga tuuray Iiraan ama dad ”Iiraan hoos taga!”

Arrintan ayaa u raad eg isla marmarsiiyihii lagu weeraray Saddam Hussein oo la sheegay inuu haysto “shaybaarro guur guura oo lagu sameeyo hubka halista,” oo daqiiqad qura marin kara malaayiin Maraykan ah, taasoo keentay inay bilaash u dhintaan malaayiin Ciraaqi ah, balse aan wax hubkaas ah la soo helin.

Waxaa iminka lasoo sawiray maraakiib geesaha laga dalooliyey oo aan la sheegin hubka lagu dhuftay iyo cidda soo riddey toona, isla markaana aanu qofna ku dhiman ama xitaa ku dhaawacmin, saliidii qaaliga ahayd ee uu sideyna uusan liitir ka daadanin.

Waa hadde dhowr weerar oo kala geddisan, noocooda aan horay loo arag, aadna isugu eg eg. Waxaa markiiba lasoo saaray war sheegay in lasoo qaaday weerarro “kharbudaad ah” oo ka dhacay Gacanka Beershiya.

Waxaa kaddib jilliinkan dadka jawaabaha lasoo degdegey ka mid ah, Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo oo sheegay in weerarkani mudan yahay “jawaab deg deg ah” oo dabcan ka tajumaysa carada Uncle Sam.

Wuxuuna ishaaray inuusan isle’egta ka marrayn weerar lagu qaado Iiraan “ama dadka ay adeegsato” ee halista ku ah “danaha Maraykanka iyo dadkiisa” iyadoo loo sawirayo in Iiraan ay meel aan sidaa muhim u ahayn ka daloolisey Markab saliid u sida Maraykanka oo aysan dadna ku dilin, saliidna ka daadin.

Haddii ay Iiraan halis isu gelinayso weerar noocan oo kale ah waxay dabcan gaysan lahayd jug middan ka culus kana xanuun badan.

Yeelkeede, sheekadan ayay dad badan oo aqoon u leh horgallada weerarrada Maraykanku waxay sheegayaan inay tahay hordhac loogu qiil samaysanayo weerar lagu qaado bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

Xusuuso MW Bashar Assad ayaa hadda kahor loo shiday wax lagu sheegay ”nalka cas” iyadoo uu Barack Obama uga digey inuusan dadkiisa ku weerarin ”hubka kiimikada”, taasoo maalin kaddib dhacday keentayna in cirka laga duqeeyo. Macquul mise? Adigu isku dhufdhufso.

Hay’adda Sirkoodka Yuhuudda ee Mossad ayaa sidii caadada u ahayd weerarradii horeba, waxaa la sheegay inay warbixin macmal ah gaarsiisey Maraykanka, iyadoo ka digeysa “halis muuqata” oo salka ku haysa weerarro ay Iiraan la damacsan tahay danaha Maraykanka.

Maraykankuna waaba kii haye yiri ee soo fasaxay raxan dayuuradaha xambaarta oo uu hoggaaminayo markabka USS ‘Abraham Lincoln’, dayuuradaha wax duqeeya ee istaraatijiga ah, batariyo ay ku cabbaysan yihiin gantaalaha Patriot iyo ciidamo gaaraya 120,000 askari oo lagu wado in loo daabulo Bariga Dhexe, tiiyoo ay qolooyinkii digniinta soo diray ay qirteen in xogta ay heleen “aysan kala caddayn.”

Xitaa Madaxwaynaha Maraykanku isagoo aan u muuqan nin waxa dhacayaba la socda ayuu iskaga dhex dhacay, isagoo yiri. “Waxaan maqlayaa sheekooyin yar yar oo ka imanaya Iiraan. Haddii ay wax isku dayaan, si wayn bay u silci doonaan.”

Si kastaba waxay u muuqataa in Maraykanku uu ugu yaraan duqayn rabo bartilmaameedyo muhim ah oo dhaqaale ama ciidan oo ay Iiraan leedahay, balse wuxuu adeegsanayaa marmarsiinyo fashilan.

Si kastaba, Nettanyahu oo dhowr mar ku noqnoqanayey Maraykanka tan iyo waagii Obama, ayaa ugu dambayn u muuqda inuu helay Madaxwayne uu si fudud fikradihiisa kaga dhaadhicin karo, tusaale, wuxuu Trump Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel, wuxuu Golan Heights u aqoonsaday gobol Israeli ah, sidoo kalena waxaa la hadal hayaa inuu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo Falastiin gebi ahaanba lagu hoos gaynayo Israel, kaasoo taageero siyaasadeed iyo mid lacageedba ka helaya xukaamta Carbeed ee Khaliijka intooda badan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media