Macallimaddii: ”Sheeg meesha jirkayga ka mid ah ee aadka u qoyan hadda?” Maamulihii: Waa sii jeestey! (Sheeko yaab badan!)

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2019 – Wiil yar ayaa weydiiyey Macallimad wax barta hadhow xiisadda kadib hadii ay firaaqo tahay, Wuxuu rabay inuu si gooni ah ula hadlo, Waxay ku tiri: “Haye” markii uu waqtigii soo dhowaaday ayay ku tiri: “Maxaad rabtay?”.

Wiilkii yaraa baa yiri: “Waxaan dareemayaa inaan fasalkaan iyo anigu aanan isku heer ahayn waxaan kaa codsanayaa ma ii awooddaa in aad igu dartid ardayda dhigata Fasalka kan ka Sareeya?”

Iyadoo loo tixgelinayo codsigiisii ayaa wiilkii yaraa loo diray Maamulaha Iskoolka wuxuuna go’aamiyay in laga qaado ardayga imtixaan qiimayn ah si aqoontiisa loo tijaabiyo.
Maamulaha: “4*3?”
Ardayga: “12”
Maamulaha: “5×6?”
Wiilkii: “30”

Maamulaha: “Waxaad sheegtaa caasimadda Japan?”
Wiilka: ” Tokyo”

Maamulihii wuxuu su’aalaha weydiinayay ku dhowaad saacad hal su’aal ahna ma uusan qaldin, Kadib macalimadii baa codsatay bal inay iyaduna markeeda su’aalo weydiin karto waxay tiri: “Waxaad sheegtaa waa maxay waxa ay Lo’du afar ka leedahay anigana aan labo ka leeyahay?”

Maamulihii oo yaabay baa eegay macallimaddii!!
Wiilkii yaraa: “Waa lugaha Macallin”
Macallimadii: “Sax weeye Waxaad sheegtaa surwaalkaaga wax laga helayo aan kayga laga heleyn?”
Maamulihii baa xishooday oo wajiga kaduuday!!
Wiilkii: “Waa jeebka”
Macallimada: “Xagee laga helaa timaha adag ee ay leeyihiin dumarka?”
Maamulaha afkuu kala taagay!!!
Wiilkii: “Africa”

Macallimadii: “Waa maxay waxa jilicsan oo ku adkaada gacmaha dumarka?”
Wadnahaa istaagay maamulihii!!
Wiilkii: “Waa Nail polish-ka dumarku cidiyaha marsadaan”
Macallimaddii: “Maxaa laga dhex helaa dumar iyo ragba bartamaha lugohooda?”
Maamulihii: Amakaag baa kasoo haray!!
Wiilkii: “Waa jilbaha”
Macalimaddii: “Baraafo Waxaad sheegtaa waxa ay leedahay naagta la qabo kaasoo ka weyn kan gabadha aan la guursanin?”
Maamulihii wuu qaboobay!!
Wiilkii: “Waa sariirta”

Macalimada: “Sheeg meesha jirkayga ka midka ah oo aadka u qoyan hadda?”
Maamulihii cirkuu eegay yaxyax dartiis.
Wiilkii yaraa: “Macallin waa carabka”.

Maamulihii wuxuu yiri: “Nacallaa fikirkayga xun ku taale adiga Jaamacad baan ku gayn anigana dugsi hoose baan ku laaban!!.

Waligaa niyadaada kasaar waxa xun, markastana dhanka wanaagsan wax ka eeg oo u fikir.

Xigasho: Bogga Baro Sharciga

Hadalsame Media