Qaraxyo waawayn oo ka dhacay Imaaraadka (Warar kala geddisan oo soo baxaya)

0

(Fujayrah) 12 Maajo 2019 – Dhowr qarax oo culus ayaa laga maqlay dekedda Fujayrah ee Imaaraadka Carabta, iyadoo ay wararku sheegayaan in la arkayo dayuuradaha Maraykanka iyo Faransiiska oo goobta dul haadaya xilligii shilka.

Dowlad-goboleedka Fujayrah ayaa beenisey inay dekedda ka dheceen dhowr qarax oo culus, iyadoo ku adkaysanaysa inay si saaxi ah u shaqaynayso, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka WAM.

Hay’ad wareed saldhigata dalkaasi Lubnaan oo al-Mayadeen la yiraahdo, ayaa iyadoo soo xiganaysa ilo maxalli ah sheegtay inay dhowr qarax ka dheceen dekedda Fujayrah.

Waxay sheegeen in qaraxa la maqlay intii u dhaxaysey 4:00 a.m. ilaa 7:00 a.m. xilliga maxalliga ah, iyagoo intaa raaciyey in 8-10 markab oo ah kuwa saliidda qaada ay holcayeen. Ma aysan sheegin sababta ka dambeeysa shilkaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in dayuurado dagaal oo ay leeyihiin Maraykanka iyo Faransiisku ay dekedda dul haadayeen xilligii ay qaraxyadu dhacayeen.

MUHIIMADDA FUJAYRAH

Dekedda Fujayrah oo ah dekedda qura ee doorar kala duwan u adeegi karta oo ku taalla bariga Imaaraadka ayaa 70 nautical mile oo qura u jirta marinka Strait of Hormuz, taasoo ka dhigaysa bartilmaameed ku habboon weerar Iiraan ka yimaada.

Bishii Luulyo 2012, Imaaraadka ayaa bilaabay inuu beebab waawayn saliid uga soo qaado Abu Dabeey, isagoo marsiinaya Habshan-Fujairah iyagoo u gooynaya marinka Strait of Hormuz.

Sidoo kale, waxay Imaaraadku dhowaan bilaabeen inay Fujayrah ka dhisaan kaydka dunida oo idil ugu ballaaran ee saliidda qeeriin, kaasoo kaydin kara in ka badan 14 milyan oo fuusto.

Waxaa sidoo kale Fujayrah ku yaalla saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka oo ka faa’iidaysta istaraatijiyadda dekeddaasi.

La socda wixii kasoo kordha…

Hadalsame Media