Duullimaadyadii saaka ka tegey Somalia oo lagu saxariirinayo garoonka Wajeer + Sawirro (Doorkii DF?)

0

(Wajeer) 11 Maajo 2019 – Duullimaadyadii maanta ka tegey magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale, ayaa khasab lagaga dhigay inay sii maraan magaalada Soomaaliyeed ee Wajeer, marka ay u socdaan Nairobi, si halkaa loogu sii baaro.

Dowladda Kenya ayaa go’aankan dib u soo celisey iyadoo sidaa ku baabi’isay heshiis hore oo ay la gaartey DF Somalia oo dhigayey inay duullimaadyadu toos uga degaan Nairobi.

Waxaa haatan soo baxaya sawirrada rakaabkii ka tegey Somalia oo lagu baarayo gegada diyaaradaha ismaamulka Wajeer.

Dowladda Kenya ayaa tan iyo horraantii sanadkan dabaqaysa siyaasad hujuumi ah oo ka dhan ah Somalia, iyadoo sidaa u yeelaysa sheegashada dhul Soomaaliyeed oo ay doonayso in loo ogolaado, halka Soomaalidu aysan moowqif cad ka lahayn arrintaasi.

DF Somalia ayaa loo soo jeediyay inay gebi ahaanba joojiso qaadka kasoo dega Somalia, iyadoo awood sharci ah u leh arrintaasi.

Hadalsame Media