”Wuxuu wadaa kaa xoog badni & caqligii LO’ JIRKA!” – Spain oo ka carootey arrin uu Maraykanku ku dhaqaaqay + Sawirro

0

(Madrid) 08 Maajo 2019 – Maraykanku wuxuu ku takri falayaa awooddiisa marka ay timaado soo noolaynta cunaqabataynta uu ugu hanjabayo dalka Cuba iyo afgembiga uu ka qorsheeyay dalka Venezuela sida uu qabo Wasiir Dibadeedka Spain, Josep Borrell oo aad u dhaliilay wax uu ku tilmaamay  “faragelin lo’jirnimo ah” oo ay waddo Washington.

Borrell ayaa aad u saluugey siyaasadda Donald Trump ee Latin America xilli uu goor dhowayd waraysi bixinayey, wuxuu gaar ahaan aad u dhaliilay go’aan uu Maraykanku kusoo nooleeynayo xeer la yiraahdo Helms-Burton Act, kaasoo la sameeyay 1996-kii, una ogolaanaya in dadka Cuba-Maraykanka ihi ay dacwad kusoo ogaan dowladda Cuba iyagoo dalbanaya in loo mago hantidii looga qarameeyay xilligii kacaankii Hanati-wadaagga ahaa ee 1959-kii.

“Maamulka maraykanku wax iskaashi ah dooni maayo,” ayuu yiri Borrell, isagoo intaa raaciyay in Spain ay si cad uga horjeeddo wax uu ku sheegay “ku takri falka awoodeed” ee Maraykanka.

Trump oo sida kale u rogaya go’aan kasta oo uu gaarey Madaxwaynihii isaga ka horreeyay ee Obama ayaa iminka Cuba ugu hanjabaya cunaqabatayn iyo go’doomin cusub, jeer ay laba laabmeen dadka Maraykanka ah ee gasiiraddaa u dalxiisaya.

Hadalsame Media