DEG DEG: Dayuurad mar qura dhabbaha ka dhacday oo 3 qaybood u kala go’day + Sawirro

0

(Myanmar) 08 Maajo 2019 – Dayuurad ay leedahay sharikadda Biman Bangladesh Airlines oo ah moodalka Bombardier Dash-8 ayaa mar qura ka dhacday dhabbaha garoonka caalamiga ah ee Myanmar ee Yangon International Airport.

Dayuuradda ayaa markii ay jidka ka dhacday waxay ka go’day garbaha kaddibna waxay u kala baxday 3 qaybood, jeer ay duuliyeyaashu isku deyayeen inay dayuuradda dejiyaan.

Waxaa soo baxay sawirro muujinaya xaalka dayuuradda oo shilkan goor dhowayd oo galabta ahayd ku gashay garoonka Yangon International Airport.

Weli sooma bixin waxyeello nafeed ama dhaawac soo gaarey dadkii dayuuraddan saarnaa.

 

Hadalsame Media