Erayo ku qornaa funaanadda Muxamed Salaax oo xalay wax badan u taray ciyaartooyda Liverpool! (Arag falcelinta dadwaynaha)

0

(Liverpool) 08 Maajo 2019 – Muxamed Salaax, wuxuu xalay ka maqnaa kulankii ay kooxdiisu kaga yaabisay kooxda Barcelona oo ay 4-0 ua badisay, iyadoo samaysay bandhig qurux badan oo Barca u ekeeysiiyay koox caadi ah.

Yeelkeede, Salaax ayaa garoonka joogey isagoo xiran funaanad ay ku qoran tahay ‘Marna ha is dhiibin’ taasoo ay caraadin ahaan u adeegsadeen ciyaartooyda Liverpool oo Barcelona ku burbursaday gegada Anfield.

Qolyaha sharadka ayaa horay u saadinayay in Liverpool sidii daadkii loo qaadi doono maadaama Barcelona ay wadato jookarka adduunka ee Lionel Messi kuna dar Salaax, Roberto Firmino iyo Naby Keita, oo wada maqan, balse aad bay qiyaastaa ugu khaldameen.

Hadalsame Media