WAR CUSUB: 1.6 tarilyan oo cagood 3 jibbaaran oo gaas dabiici ah oo laga helay dhulka Soomaali Galbeed

0

(Jigjiga) 06 Maajo 2019 – Sharikadda British-ka ah ee NewAGE ayaa 1.6 tarilyan oo cagood oo 3 jibbaaran oo gaas dabiici ah ka heshay degaanka Ceel Quraan, sida uu sheegay warqaadka madaxa bannaan ee Ethiopia kasoo baxa, The Reporter.

Sharikaddan ayaa shidaalka kasoo saartay meel u dhow halkii ay sharikadda Chinese-ka ah ee Chinse Poly GCL ay gaas soo saarista ka bilowday sanad kahor, iyadoo ay NewAge ay haatan baaritaan ka waddo dhowr baloog oo ku yaalla dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho.

Wargayska ayaa soo xigana Guang Tutlam (MD), Wasiiru Dowlaha Itoobiya ee Qodaalka iyo Shidaalka oo yiri: “Waxaannu haatan ka shaqaynaynaa sidii aannu u suuq gayn lahayn gaaska.”

The Reporter ayaa intaa ku daraya in sharikad Maraykan ah oo la yiraahdo Greencom, ay Wasaaradda Shidaalka u bandhigtay hindise ah in ay aaggaasi ka dhisto wershad gaaska lagu sifeeyo iyadoo doonaysa inay adeegsato tiknolojiyadda gaaska loogu rogayo dareere ama Gas-to-Liquid (GTL), iyadoo waxyaabaha laga sameeynayo ay ka mid yihiin waxa ay Soomaalidu u taqaanno ”Nafta Ameerikaanka” sida gasoline iyo gas oil.

Kharashka guud ee lagu maalgelinayo ayaa cagacagayn doona ilaa 2 bilyan oo doollar, iyadoo ay hay’adda African Global Energy ay webkeeda rasmiga ah ku sheegtay inay socdaan qorshayaal looga arrinsanayo in mashaariic heer hoose ah oo kala geddisan looga fulinayo degaannada maxalliga ah.

Britain oo ah dalkii dhulkan Soomaaliyeed Itoobiya ku daray ayaa xogo badan ka haya dhulka Soomaali Galbeed.

Hadalsame Media