Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka soconaya Garoowe

0

(Garoowe) 06 Maajo 2019 – Waxaa weli magaalada Garoowe ka soconaya kulan u dhexeeya DF Somalia iyo maamul-goboleedyada, iyadoo kulankaa uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana jooga RW Somalia Md Xasan C Khayrre iyo dhamaanba madaxda maamullada.

Shirkan oo aanay saxaafaddu galaangal toos ah u lahayn, ayaa xogaha aannu heleeyno waxay sheegayaan inuu caqabado wajahayo, balse uusan maqnayn rabitaan ku aaddan in xal laga gaaro oo laga gudbo.

Caqabadaha ilaa haatan soo baxay waxaa ka mid ah muddo kororsiga maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb, sidii loo midayn lahaa labada garab ee maamulkaasi iyo ugu dambayn xallinta madmadowga maamulkaasi iyo DF.

Caqabadda 2-aad waa xeerkii doorashada ee ay meel marisay Xukuumadda DF Somalia oo ay diideen maamullada qaar, waxaana jirta aragti ah in ay madaxda maamulladu doonayaan inay ajendayaashooda fursaddan uga faa’iidaystaan, taasoo lafteedu shirka ka yara duwaysa in dan guud oo qaran lagaga hadlo, halkii la xeerin lahaa waxa uu qof gaar ihi doonayo.

Madaxda qaar ayaa se hal arrin oo rajo ah muujinaya waana doonitaanka in aan goobta lagu kala tegin jeer xal la gaaro.

”Xitaa Soon oo dhan halla fadhiyee goobta ka tegi mayno ilaa xal guud la gaaro!” ayuu qof aynaan magaciisa xusaynin oo shirka ku dhowi kasoo koobiyey qaar ka mid ah madaxda sare ee shirka joogta.

Shirkan ayay indhaha ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ka daaley khilaafaad dan gaar ah huwan oo Somalia dib u dhigay muddo 30-40 sanadood ah, iyagoo rajaynaya inay xilkasnimo la yimaadaan madaxda ay taladu ka go’do oo maanta haysta fursad ay taariikh ku samayn karaan oo aan berri soo mari doonin.

Hadalsame Media