DHEGEYSO: Bulshada Rayidka ah oo ku baaqay in XAL lagu gaaro shirka Garoowe

0

(Garoowe) 05 Maajo 2019 – Waxaa magaalada Garoowe ka furmaya kulan dhexmaraya DF Somalia iyo maamullada Federaalka ah ee dalka, kuwaasoo ka hadli doona qodobbo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha iyo doorashada soo aaddan.

Haddaba, dalladda Ururada Bulshada rayidka ah ee maamulka Puntland ee PUNSA ayaa Warsaxafadeed ay ka soo saartay xalay wada hadalka la filayo in maanta uu uga furmo Magaalada Garoowe Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul gobaleedyada ugu baaqday in ay ku xaliyan arrimaha lagu kala fogyahay.

Hoos ka dhegeyso faahfaahin arrintaa ku saabsan oo Garoowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb, oo ah wakiil wareedka VOA ee halkaasi.

Hadalsame Media