Maxaa ka dhalan kara shacabkii oo yara BISLAANAYA & madaxdii oo CEERIIN ah?!

0

(Garoowe) 05 Maajo 2019 – Waxaa magaalada Garoowe loo fadhiyaa kulan la sheegay in looga tashanayo arrimo badan oo xasaasi ah oo sida la yiri la isku ”khilaafay”, sida amaanka, dhaqaalaha, doorashada soo socota.

Shirarka noocan ah oo soo noqnoqda balse aan marna wax xal ah oo kama dambayn ah laga gaarin ayaa inta badan muujiya rabitaan la’aanta iyo daacad darrada madaxda iskugu timaadda.

Yeelkeede, waxaa jira hal arrin oo ay tahay inay inta goori goor tahay ku baraarugaan madaxda inta badan khilaaf u joogga ah oo qaarkood lagu xanto inay fuliyaan ajendayaal shisheeye iyo dano gaar ah.

Halkaa arrini waxay tahay inay shacabku daaleen guud ahaanna bisayl muujinayaan, gaar ahaanna ay ka daaleen khilaafaadka aan iyaga wax miro ah u dhalin, balse dib u dhiga inay ku noolaadaan xayaato la mid ah midda asaaggood.

Yeelkeede, nasiib xumo waxaad mooddaa inaysan bislaanin madaxdu, u fiirso qaabka ay u taxan tahay siyaasadda maanta, waxaad xusuusanaysaa hoggaamiye kooxeedyadii aan ra’yi iyo qorshe kale lahaan jirin, balse siyaasaddoodu ay kaliya ku salaysnayd inuu ka horjeesto wixii uu midka kale ku baaqo, wax la oran jirey ”Gaw iyo gash maleh”.

Xitaa marka aad la sheekaysato shacabka Somaliland oo uu haatan ka jiro maamul sheegta inuu Somalia ”ka go’ay” waxay shacabku muujinayaan inay diyaar u yihiin nidaam Soomaaliyeed oo dhibka ka saara, balse ay la’yihiin madax dhanka san u dhaqaajisa oo dhug iyo dhuux leh.

Sidii Muqdisho laba jeer ka dhacday 13 sano iyo 29 sano kahor, marka ay siyaasadda siyaasigu ka tarjumi waydo rabitaanka shacabka waxay ku dhamaataa fashil, ceeb iyo bahdil baana u dambeeya.

Waxaa haddaba wanaagsan in madaxda ay maanta taladu ka go’do ay xusuustaan inay xadkii la dhaafayaan khilaafaadka bilaa micnaha ah ee aan ka tarjumaynin danaha iyo rabitaanka shacab 40 sano dhibaataysnaa, waxa loo baahan yahay ee iminka laga akhrisan karaana ay yihiin inay xilkasnimo, caqli iyo ALLE ka cabsi la yimaadaan.

Waxaa intaa dheer, in dunidu haatan u muuqato mid markale la is dardari doono, maadaama ay dalalkii ugu waawaynaa ay isku khilaafsan yihiin Xeerka Caalamiga ah, tusaale Ruushku waa kii Krimea qabsaday, halka Maraykanka oo dalkii uu doono iska weeraraya uu haatan kasii baxay heshiisyo badan oo caalami ahaa.

Daraasad haatan soo baxday waxay xusaysaa inay aad isu hubaynayaan dalalka deriska la ah Somalia, halka Somalia ay waqti iskaga luminayso doodo ma dhalays ah, haddii se sidan wax kusii socdaan, waxaa Somalia qabsan kara ama qaybsan kara ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo ay durba qaarkood soo hor yeesheen, inta aanba dowlado la gaarin.

Waxaa kale oo dhici kara kacdoon kale oo dadwayne oo aan agaasinnayn oo ay sidii caadada ahayd afduubaan qolooyin kasii liita kuwii lagu kacdoomay, sidii dhacday 1991 iyo markale 2006-dii.

Dalka iyo dadka halloo turo oo talo toosan halla keeno.

Tiraftirka Hadalsame Media