37 qof unbaa ka badbaaddey 78 qof oo dayuuraddu siddey! (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Moscow) 05 Maajo 2019 – Wararkii ugu dambeeyay ee Moscow ka imanaya ayaa sheegaya in kaliya 37 qofood ay ka badbaadeen dayuuraddii iyadoo holcaysa ka degtey gegada Moscow ee Sheremetyevo, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Baaritaanka Ruushka.

“Xog haatan nasoo gaartey oo ay baarayaashu gacanta ku dhigeen ayaa sheegaysa inay 37 qof [oo ka mid ah 78 dayuuradda guud ahaan saarnaa] ay badbaadeen,” ayayay tiri afhayeenka Guddiga Baaritaanka Ruushka, Svetlana Petrenko, oo warbaahinta la hadashay.

Warkan cusub ayaa ka dhigan inay dayuuradda ku dhinteen 41 qof oo dabka ku gubtey, iyadoo ay dayuuraddu soo degtey iyadoo kala bar ka badan ka holceeysa.

Dayuuradda oo uu duullimaadkeedu ahaa Aeroflot Flight SU1492 ayaa ka duushay garoonka Moscow ee Sheremetyevo International Airport iyadoo u socotey magaalada Murmansk.

Hadalsame Media