FASHIL: Boeing oo qiratay inay ogayd cilladda dayuuradaha 737 MAX balse ay ka aamustay! (Wax badan ogoow)

0

(Chicago, Ill) 06 Maajo 2019 – War kasoo baxay sharikadda Boeing ayaa caddaynaya in ay wax ka ogayd cilladda dufcadda ugu casrisan ee 737 Max kahor shilkii Oktoobar 2018 ee dayuuradda Lion Air crash, balse ay guddoonsadeen inaysan wax tillaabo ah qaadin.

Boeing ayaa horay u qiratay in hannaanka digniinta bixiya ee dayuuradda ku xirani uu yahay “mid aan ku shaqaynayn dayuuradaha oo dhan.”

Yeelkeede, war ay iminka soo saartay ayaa muujinaya waqtiga dheer ee ay sharikaddu ogayd jiritaanka cillada riddey laba dayuuradood oo ay kala leeyihiin Indonesia iyo Itoobiya.

Waxaa la ogyahay in la’aanta qalabka digniinta bixiya uu door ka ciyaaray shilalkii Lion Air iyo Ethiopian Airlines planes, kuwaasoo isu gayn ahaan ay ku bexeen 346 qofood.

Labada shilba, baaritaannadu waxay soo jeedinayaan in cilladi haysatey xogta uu helayo badhannada amra (AOA) taasoo keentay inuu amar helo hannaanka MCAS oo dayuuradda miisaama marka ay sanka taagto, kaasoo helay xog ah inay dayuuraddu callaqmi rabto kaddibna si khalad ah dayuuraddii u foorariyey ilaa dhulka ka gasho.

Boeing ayaa horay u sheegtay in iyada iyo hay’adda Gaadiidka Cirka Maraykanka ugu qaybsan ee FAA aanu midkoodna waxba ka ogayn wax cillad ah oo jira kaddib shilkii koowaad ee Lion Air.

Laba muuqaal oo muhim ah oo ka maqan dayuuradaha Boeing 737 Max 8

Warbixin naxdin leh oo horay usoo baxday ayaa sheegtay in dayuuradda nooca Boeing 737 Max 8 ay ka maqan yihiin laba walxood oo muhim ah, taaas oo ay ilaa haatan ka dheceen laba dayuuradood oo ay ku dhinteen 350 qofood.

Jeer la fariisiyay guud ahaanba raxanta Boeing 737 Max 8 dunidoo dhan waxaa soo baxday in suuqa lagu soo fasaxay dayuurado ay ka maqan yihiin muuqaallo muhim u ah badbaadada dayuuradda, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ka diga marka ay halisi soo fool leedahay.

Waxaa ka mid ah nalal digniin ah oo qayb ka ah “angle of attack (AOA)” kaasoo duuliyaha uga diga marka ay dayuuradduu callaqmi rabto gaar ahaan isu miisaanka qulqulka hawada (aerodynamics) iyo midda ay dayuuraddu dhalinayso (relative wind), balse qalabkaasi kuma xirnayn dayuuradaha dhacay.

Muuqaal kale oo maqan waa mid qaab maqal iyo muuqaal ah (visual representation) u sharraxaya hawada qulqulaysa marka loo eego jihada sanka dayuuradda.

Waxaa kale oo dhib ka joogaa hannaanka Maneuvering Characteristics Augmentation System (MCAS) oo loo naqshadeeyay inuu miisaamo dayuuradda si aysan sanka kor ama hoos ugu taagin, balse hannaanka MCAS ee ku xiran dayuuradaha noocan ah ayaa noqday mid iskii u diraya farriimo khaldan, taasoo keenaysa inay dayuuraddu callaqanto oo sanka sare u taagto, ama ay sanka u quusto iyadoo xawaare 3 laab ah ku socotana ay dhulka hertiso, sidii ku dhacday dayuuraddii EA.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media