SAWIRRO: Ruushka oo Turkiga u ballan qaaday dayuuradda ugu casrisan ee uu sameeyo haddii…

0

(Moscow) 03 Maajo 2019 – Dayuuradda guuxeeda ka dheereysa ee jiilka 5-aad ee  Su-57 ayuu Ruushka ka iibinayaa Turkiga, haddii uu burburo heshiiska ay Ankara ku doonayso F-35 oo ay Washington ku canaadayso iyadoo ka caraysan Turkiga oo dalbaday hannaanka daafaca gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400.

”Dayuuraddan Sukhoi ee jiilka 5-aad waxay leedahay tayooyin bannaanka yaalla, waana mid aad loo danaynayo,” ayuu yiri Sergey Chemezov, oo ah madaxa hay’adda ay dowladda Ruushku leedahay ee Rostec, mar uu la hadlayay wakaaladda Anadolu.

Moscow waxay “diyaar u tahay iskaashi” ay la yeelato Ankara haddii uu Turkigu muujiyo inuu xiisaynayo dayuuradahan Ruushka.” ayuu daba dhigay.

Wuxuu sheegay in Ruushku uu diyaar yahay haddii ay Turkigu tuuraan heshiiska ay Maraykanka kaga iibsan lahaayeen dayuuradaha F-35 – taasoo ah arrin dood badani ka joogto.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media