Shantii nacas & casuumaaddii la illaawey! (Qiso dhab ah)

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2019 – Sanadku waa 1977kii, goobta la’ joogaana waa Muqdisho. Abwaan Muuse ayaa casuumay niman saaxiibadii ah, xiligaas telefoono iyo is-gaadhsiini ma’ jirin. Jimcaha iyo gurigayga ha inoo ahaato ayaa lagu ballamay.

Abwaan Muuse waa macalin hawlkar ah oo shaqo badan, si ay ka noqotayba wuxu illaaway in uu u sheego xaaskiisii in Jimcaha ay la qadaynayaan 6 sarkaal oo saaxiibadii ah. Jimcihii, salaaddii kaddib baa saraakiishii oo laba baabuur wataa hoonka soo garaaceen. Markaas buu xasuustay casuumaddii uu illaaway.

Marwadii uu qabay oo u qaadatay in ogaan uu ugu hor ceebeeyey raggii dumaashiyadeed ahaa ee ay kala xishoon jireen ayaa qalbi-jabtay. Bal orod oo ragga meel uun u qado gee! Oo 2dii duhurnimo halkee qado laga helayaa. Gaajo ayay ku carraabeen nimankii maalintaas.

Marwadii ceebowday ee casuumadda karin weyday, waxay odaygeedii ku adkaysay in uu jimcaha dambe soo kaxeeyo nimankii si ceebtii la isaga maydho;
Salaaddii subax kaddib bay gashay tabaabulsho iyo diyaar-garow, xitaa Seyladda ayay neef adhi ah ka soo gadday.

Way moofaysay, 5 hablood oo cunto karinta ku takhasusay oo cuntada ay kariyaan faraha la’ isku goostana way u yeedhatay, cuntadii waa diyaar. Laakiin si ay Abwaan Muuse ka noqotayba wuxu maantana illaaway in uu nimankii u sheego in ay casuuman yihiin. Waakaa keligii albaabka ka soo galay isaga oo iska fooryaya.

Ummaddii baa la’ yaabtay! Islaantiisii cadho iyo ciil aawadeed way dudday! Nimankii ay saaxiibada ahaayeena waxay ku yidhaahdeen Muusow sidani waa Stupidnimo (Doqonimo). Waa run buu yidhi laakiin anigu waxan ahay Stupid No 5, afar Stupid oo kale ayaa iga horreeya oo kaalmaha 1,2,3,4, kala haysta. Bal noo sheeg baa la’ yidhi:

Stupid No 4 wuxu ahaa buu yidhi; Nin aanu saaxiib nahay baanu wada soconay, waa Hargeisa, berri subax oo kalena waa Ciid, waxanu rabnay in aanu magaalada ka yara baxno oo hawo soo qaadano, xaaskiisii baa ku tidhi dharkii ciidka carruurtii ma u siddaa? Carruurtu waa laba wiil oo 6 jir iyo 7 jir ah.

Maya buu yidhi! Usbuucan oo dhan buu maalin walba lahaa waan keenayaa oo uu soo illaawayey. Waxay tidhi intaanad magaalada ka bixin hadda soo qaad. Bacadlihii buu degdeg u galay; laba isku joog oo si fiican u leeg, oo uu weliba si sugan isaga soo eegay midabkooda iyo quruxdooda oo xiisaamo dhaadheer leh buu la soo cararay. Hablahaagu miyey dhaadheer yihiin baa lagu yidhi mise way gaagaab yihiin; Way dhaadheer yihiin ku’lahaa ee waa imisa labada lacagtoodu! Gurigii buu yimi.

Wiilashii baa la is yidhi ku qiyaasa; waaba laba kurdadood oo gabdheed oo 6 jir iyo 7 jir ah. Kaasi miyaanu iga darnayn oo iga Stupid-sanayn ku’lahaa.

DOQON LAMBAR 1
Isna wuxu ahaa
Waxan macalin ka ahaa oo ka shaqayn jirey Degmada Sheekh, kaddib waxan imi magaalada Burco. Markiiba waxanu is helnay nin aannu ilmaadeer nahay oo Carabta ka yimi, Salaan, soo dhoweyn iyo sooryo badan baannu kala qaadanay.

Waanu wada qadaynay, si fiicanna illaa casarkii baanu u sii sheekaysanay, miyi iyo magaalaba wixii ehel joogay baanu iska waraysanay maaddama aanaan laba sanadood is arag.

Markii aanu fiidkii kala tegeynay buu igu yiri waar Muuse horta sow maad igu odhan waxan ka imi Degmada Sheekh! Haa baan ku idhi: Kuye, Degmadaa aad ka timi ee aad macalinka ka tahay waxa ka shaqeeya Nin aanu ilmaadeer ruma nahay labadayada aabbe walaalo yihiin oo la’ yidhaahdo Abwaan Muuse ee ma taqaannaa?

Garo’ oo Abwaan Muuse waa Aniga! Haa waan aqaan baan ku idhi; waa inaadeerkay ruma, laba walaalo ah baa na kala dhalay, laba sanadood maanu is arage marka aad u tagto aad iigu salaan kuye!
Kaasina miyaanu iga sii Stupid sanayn!

DOQON LAMBAR 2 isna wuxu ahaa;
Nin kale oo aanu asxaab ahayn baanu habeen intaanu soo cawaynay buu u baahday Macawis iyo Sandal uu berri Jimcaha salaadda ku aado.

Magaaladu waa Ceerigaabo. Dukaan baanu galnay! Waxa haysata haweeney Marwo ah. Isaga oo aan salaamin buu alaabtii dukaanka taallay eegeegay; Kuye macawistaas iyo kabahaas sandhalka ah ii soo qabo. Waa imisa, oo waa qaaliye, dee imminka dumarkiinan wax iibiyaa waad waalateen, waxad doontaan baad wax ku iibinaysaan.

Waxaasi waa iimaan la’aan. Magaalooyinka kale baa idinka wax jaban. Wixiinu tayona ma’leh waana qaali, iga walla waad iimaan beesheen, adna waabad ugu sii iimaan la’dahay! Hadal badan oo aan kala joogsi lahayn markii uu kala joojin waayey, islaantiina naxday oo maradeedii afka saartay xishood iyo argagax awgeed baan dukaankii ka saaray! Waar miyaanad garanayn haweenaydan aad caayayso! Oo waa tuma kullahaa!

Dee Waa Faadumo! Faadumo waa tuma? Dee Soddohdaa! Islaantii aad inanteeda qabtay! Oo ma dukaankeedii buu ahaa kuye!
Kaas hooyadii garan waayey miyaanu iga sii stupid sanayn.

Stupid No1 kiina wuxu ahaa Nin kale oo aanu wada shaqayn jirnay baa wiilkiisii yaraa u kexeeyey Shineema Nasar oo suuqa hoose ee Xamar-Weyne ku taalla si uu u soo daawisiiyo filimkii caruurtu ka daba dhacday 1975kii ee Willy Wonka & the Chocolate Factory. Marka filmkii badhtanaha marayo buu wuxu xasuustay in aannu ku ballansanayn Hotel Al-Curuba. Degdeg buu u soo baxay, wuu ii yimi, sheeko dheer, kaftan iyo qorshayaal baannu iska dhex-mushaaxnay.

Goor ay 9:30 habeenimo tahay baannu kala hoyanay, gurigiisii buu gaadhay 10:30 habeenimo. Xaaskiisii oo yaabsan oo bannaanka guriga fadhida oo sugaysa buu u tegey. Yaab! Waar mee wiilkii yaraa? Wiilkee? Show iga walla kursigii Shineemada ee uu 7dii fiidnimo ku fadhiisiyey buu kaga tegey oo ku illaaway.
Kaasina miyaanu iga sii Stupid sanayn kullahaa!

WQ: Cismaan Abokor Dubbe

Hadalsame Media