Mudanayaal shaqada aad Madaxtooyada ka qabateen meelaha kalena gaarsiiya!

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2019 – AAN ISKA GARDAROODEE, Horta Madaxtooyada oo ay mudo iigu dambeysay iminka markaan dhex istaagay waxaa iiga muuqday isbedel weyn iyo Suudad isdhaaf dhaafaya,Tankale waxaad moodaa iney tartan dhanka dhismaha iyo qurxinta ah ay ka dhex jirto Xaafiisyada MW & RW, waxaana Madaxtooyada iyo dhismayaasha labada masuulba ka muuqanaya qurux iyo dhaldhalaal aan horay uga jirin, kaddib markii lagu sameeyay dayactir,qalabeyn iyo dhireynba.

Sidoo kale Madaxtooyada albaabada laga soo galo aad baa loo adkeeyay amaankooda waxaana albaab walba lagu rakibay mishiino casriya iyo Camarooyin mana sahlana iminka inaad Madaxtooyada iska gesho adigoo aan baaritaano badan soomarin ama aan ku socon balan hore oo laguu qabtay.

Balse, marka aad ka soo dhex baxdo oo aad soo gaarto ilinka ama albaabka laga soo galo Madaxtooyada wixii halkaas ka bilowda waxeey durba indhahaagu qabanayaan muqaal ka duwan kii aad ku soo aragtay Madaxtooyada oo ay hogaaminayaan Biro iyo dhagxaan kuwaas oo sii taxnaanaya ilaa aad Adigu kaga xarooto gurigaaga.

Markaas ayaan isweydiiyay Madaxweynaha & Reysalwasaaraha Toloow mudada 4-ta sano ah ee loo igmaday hogaanka ma waxaa loo xilsaaray dhismaha Madaxtooyada iyo qurxinta Xaafiisyadooda,mise waxaa laga sugayay iney dalka iyo dadka wax u qabtaan?

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media