DAAWO: ”Guddoonku wuxuu jebiyey xeerarkii Dastuurka” Xil. Xuseen A. Caydiid

0

(Hargaysa) 02 Maajo 2019 – Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku yeesheen Golaha Wakiillada Somaliland ayaa is mari waa ku dhamaaday.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa waxay ka doodayeen Xaaladii Deg degga ahayd ee uu shalaytoole soo rogey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, kuwaasoo saamaynaya Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo, deeto weerarro lagu diley saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland oo lagu diley G. Sanaag.

Waxaa cod loo qaaday Xaalada Deg degga ah ee deegaanadaasi lagu soo rogay waxaana ogolaaday 40 xildhibaan, iyadoo ay diideen 66 kale, balse intii ay weli codayntu socotey ayaa la sheegay inuu Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu mar qura fadhigii xirey, waxaana xigey buuq iyo sawaxan goobtii qabsaday.

Haatan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay ayaa hab-dhaqanka Guddoonka sharci darro ku tilmaamay.

“Umadda Waxaan u Sheegaynaa in Saaka Wixii Halkan Ka Dhacay aanu Dastuurka Waafaq Sanayn, Shir Gudoonkuna Waxa uu Jabiyey Xeerarkii Dastuurka ” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Hadalsame Media