”Waar Wasiir iga dhiga!” – Prof Samatar oo hankiisa caddaystay!

0

(Berbera) 30 Abriil 2019 – Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada caanka ka ah geyiga Soomaalida, ayaa kaddib Doorashadii Madaxtinnimada Somalia 2012 bedeley moowqifkiisii ku aaddanaa midnimada Somalia isagoo muddo dheer ka mid ahaa dadka u ololaynayey.

Wixii markaa ka dambaysey wuxuu Samatar oo lagu xamanayey inuu xil doon yahay uu ka galaa baxayay Somaliland oo ah maamul doonaya inuu ka go’o Somalia, isagoo xitaa ku biiray Xisbiga Kulmiye.

Yeelkede, Mar uu maanta ka hadlayey kulan doodeed ay yeesheen dhallinyarada magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay hankiisa iyo aragtidiisa ku aaddan siyaasadda Somaliland, isagoo dhaliilay in Somaliland oo jirta muddo 30 sano ku dhow iminku aanay weli wax saaxiib ah oo dibadeed lahayn.

“28-kii sannadood wixii aynu is lahayn wax baad isku daydeen faa’iido ma keenin, (waayo) waddan qudha oo Maanta ina aqoonsan ama aynu Saaxiib la nahay ma jiro, markaa in la is waydiiyo sow maaha?” ayuu soo jeediyey Prof Samatar.

DAMACA SAMATAR

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa mar la waydiiyey wixii uu ku soo kordhin lahaa siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee uu fashilka ku tilmaamayo wuxuu kaga jawaabey:

In aanu isagu Somaliland uba imanin in uu xil ka qabto, balse wuxuu sheegay in xitaa haddii uu ogolaado inuu xil qabto sida wasiir aanu doonaynin inuu meel iska fadhiyo oo la yiraahdo ”Wasiir Samatar”, balse uu taa biddaalkeeda doonayo inuu shaqadiisa ku guulaysto.

“Anigu shuruudo ayaan wataayoo haddii la igu yidhaahdo shaqada Arrimaha Dibedda qabo, waddankii baa kuu baahane waa Caadi, balse anigu shuruudo ayaan wataa si aan shaqadaa uga adkaado, markaa Madaxda Somaliland waxaan leeyahay shuruudahayga ma ka soo baxaysaan?”. ayuu ogaal waydiiyey Samatar oo markale muujiyay hankiisa.

Hadalsame Media