Farriin ku socota masaajidda Soomaalida Maraykanka (Hindise ku saabsan ilaalo hubaysan)

0

(Minneapolis, MIN) 30 Abriil 2019 – Maadaama ciddii soo jeedda ay aragto waaqica iyo zamanka aan wajahayno, dhowr arimood aan yeelno bisha Ramadaan:

1- Inaan qaybta ay dumarku ka soo galaan dhigno waardiye hubaysan (Armed Security Guard), maadaama ay tahay qaybta ugu muhimsan ee caruurteenna iyo hooyooyinkeenu ay joogaan

2- Inay ragga & dumarkuba hal albaab ka soo wada galaan, ka qaybta dumarkana la xidho oon la isticmaalinba.

3-Tiiraraka masjidka dhexdiisa ha ku garab tukadeen dad la yaqaan oo jameecada ka mida watana hub sharciyaysan, dadkaasi haddii gudaha dhib ka dhaco waxay noqon karaan dad dhufays ku jira soo jeedana.

4- Jameecadu aqoon waa inay u leedahay dhamaan masaajidka ( meesha loo cararo, albaabka ugu dhaw, sida loo shido ama loo damiyo dabka/ Fire alarm buttons, )

5- Markay u yar tahay waa inay jiraan dad taraawiixda aan tukanin oo kaliya u jooga ilaalinta masjidka iyo jameecada, ha ugu yaraado 6 qof ilaa 21 qof. Waxaa la eegi hadba baaxadda masjidka .

6- Waa inuu masjidku miisaaniyad gooni ah u qoondeeyo ilaalada masaajidda iyo qalabkooda ( radio, dhar ay kaga soocan yihiin dadka kale iyo awood buuxda).

7- Qof horay loo yaqiinay mooyee qof kasta yaan laga oggolaan inuu ka mid noqdo ilaalada masjidka.

8- Dariska aan muslimiinta ahayn ha lala xidhiidho hana loo sheego bishan iyo zaxmaddeeda.

9- Xidhiidh hoose ha lala yeesho laamaha amniga ee dhulkan aan joogno waliba bishan.

10- Ogaysiiska iyo iclaaminta arimaha amniga ayaa ka muhiimsanaan wacdi badanoon cidina dhagaysanayn buuqa jira dartii ( remember, people only have few minutes).

11- Salaadaha ka dib, dadku yaanay ku daahin ku dhex sheekaysiga masjidka, waayo ilaaladu way kala tagi, hadduu dhib yimaaddana cid ka hor tagta ma jirto.

Sheekh Horseed Nuux

Hadalsame Media