Mucaaradnimooy XAAL qaado, madaxda dowladooy wax MAQAL! (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2019 – Sawirkani waa astaan muujinaysa waxa aannu badankeen maanta ugu yeerno ”Mucaarad”, waayo badankood ma laha bayaan iyo aragti gadmaysa oo lagu amba qaado arrimaha muhimka ah ee dalka Somalia.

Xubnaha Mucaaradka badankoodu waxay cayrsanayaan dano shakhsi ah, mana jirto aragti siyaasadeed oo cad gebi ahaanba.

Sidaa darteed, waxay culays iyo canaab ku yihiin dalkan ay dagaalladu daashadeen oo marti u ah maamullo aan mudadoodu dheerayn oo musuq la degey oo iskaga dambeeyay, kuwaasoo ay ka go’an tahay inay xadaan xoolaha dadwaynaha xubayrada (faqri) ah.

Taladaydu waxay tahay: Horta aannu dhisno wax aynu marka dambe mucaaradno, eedayno ama dacwayno.

Tan kale, kuwii shalay FASHILMAY ma aha inay maanta iskaga kaaya dhigaan hoggaan daacadnimo ka badatay.

Dowladda Federaalka ihina waa inay u dhega nuglaataa kuwa ka horjeeda, isla markaana ay asaaska u dhigtaa tanaasulaad iyo is faham qaran.

Waxaa Qoray: Maxamed Cirbad

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media