”Yaa adkaanaya idinka & Ruush?!” – Siyaasi caan ah oo qoray sheeko ay wax ka faa’iidaysan karto Soomaalidu

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2019 – Billowgii ilaa dhamaadkii sannadihii 1970s waxaan ahaa arday. Nidaamka dalka looga dhaqmo wuxuu ahaa hantiwadaag, dalkana wuxuu gacansaar la lahaa Midowga Sofiyeeti.

Loollan dhinac walba leh gaar ahaanna hubka ayaa u dhexeeyay labada dal ee Mareykanka iyo Ruushka, cabsida inuu dagaal weyne dhacana aad ayey u sarreysay.

Waxaa xusuustaa annagoo arday ah oo mararka qaar sheeko ahaan isu weydiinna “haddey Ruushka iyo Mareykanka dagaalamaan yaa adkaanaya?” Inta badan su’aashaa waxaa ka dhalan jirtay dood ah Ruush ayaa adkaanaya iyo Mareykan ayaa adkaanaya, annagoo aan warkaa meel ku xirin ayaan haddana sheeko kale geli jirnay.

Dugsi Sare wuu ii dhamaaday, kaddib nasiibkeyga wuxuu noqday inaan Maraykan waxbarasho u tago. Waxaan Roma ka raacay diyaaraddii la dhihi jiray Pan Am. Markaannu hawada Mareykanka galnay waxaa naloo qeybiyay warqado la buuxinayo.

Qaybta hore ee formka iska caadi ayey aheyd, balse qaybta 2aad, waxaa qasab aheyd inaad ka jawaabtid su’aalo ay ka mid yihiin: Shuuciyadda ma aaminsan tahay? Weligaa xisbi ama urur shuuci ma ka mid noqotay? Shirar ay leeyihiin ma ka qeyb gashay? Dalka Ruushka ama meel ka mid ah Midowga Soofiyeeti ma tagtay? Maxaad ka doontay? Ma leedahay saaxiibbo aaminsan ama qof ahalkaaga ka mid ah oo aaminsan shuuciyadda? Iyo kuwo kale oo badan.

Ok, Mareykan waan galay, dhowr bilood kaddibna jaamacad ayaan bilaabay. Waxaan xusuustaa anoo mararka qaar soo xusuusta su’aashii aheyd yaa guuleysanaya Ruushka iyo Mareykanka haddii ay dagaalamaan.

Maalin ayaan go’aansaday, maadaama aan joogo waddan ka mid ah labadii waddan ee aan ku murmi jirnay, bal inaan weydiiyo arday mareykan ah oo aan sheekeysan jirnay.

Waxaan ku dhahay ”saaxiib ka warran haddaad adinka iyo Ruush dagaashaan yaa adkaanaya?” Marka aan su’aasha weydiinayo haddana meel dambe oo qalbigeyga ah waxaa ku qoran inuu waddankiisa faanin doono oo i dhihi doono annagaa adkaaneyna.

Waxaa yaab iyo amankaag igu noqotay markuu ardeygii saaxiibkey ahaa iigu jawaabay: ”Kalama adkaaneyno oo labadeennaba waan burbureynaa. Waan maleysan kari waayay oo haddana waan weydiiyay: Ruushka inaad ka adkaan kartaan miyaadan aaminsaneyn? Wuxuu igu yiri “maya, kalama adkaan karno ee labadeennaba waan burbureynaa”.

Kuma aanan qancin jawaabtii saaxiibkey, waxaana xusuustaa dhowr jeer oo kala duwan oo aan fursad u helay inaan su’aalay dhallinyaro kale. Waxaan su’aashaa isaga haray markaan waayay cid mareykan ah oo i dhahda annagaa adkaaneyna.

Markaan hadda dib u xusuusto qisadaa waxaa ii soo baxeysa sida ay dhallinyaradaa ay da’dooda u dhexeysay 18 jir ilaa 21 jir u fahamsanaayeen waaqica runta ah.

Ka warran qofka Soomaaliga ah jawaabta uu ku siinayo haddaad weydiisid cidda adkaaneysa Soomaaliya iyo Itoobiya ama Soomaaliya iyo Kenya? Ama cidda adag reer qurac iyo reer qansax? Ama dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya? Jawaab degdeg ah ayaad heleysaa, waana hubaa jawaabta ineysan noqoneyn ‘cidna guuleysan meyso oo waa la burburayaa’.

Waxaan ugu baaqayaa MW Formaajo, RW Kheyre, baarlamaanka Federaalka, Xisbiyada iyo siyaasiyiinta, maamullada dalka ka jira ineysan baalmarin waaqica runta ah ee ah dagaal noocuu yahayba guul laga keeni maayo ee burbur eynaan xammili karin ayuu soo kordhinayaa.

Kuwa careysan waxaan leeyahay waad og tihiin dulmi ay Soomaali oo idil markhaati ka tahay in la igu sameeyay, Madaxweyne, Ra’iisulwasaare, Wasiirro, Xildhibaanno Federaal ayaa ka qeyb qaatay dulmigaa, Maxkamad Sarena waa laga hor joogsaday inay go’aan soo saarto.

Cid iga mudan iney carooto ama mucaarad noqoto ma jirto, balse waxaan door biday in aanan dhibka Soomaaliya ka jira dhinacayga ka sii hurin.

Kursiga ninka ku fadhiyow ogow kursiga inuu ka dhexeeyo toban iyo dhowr malyan oo Soomaali ah, kan doonayow adigana ogow damucu wuu nagu wadaa jiraa ee tartiibso.

Wabillahi Towfiiq

Waxaa Qoray: Cali C Cosoble

Hadalsame Media