BAS sidey koox ciyaareed oo gaddoomey (Laacib dhintay & dhowr dhaawac ah) + Sawirro

0

(Alanya) 29 Abriil 2019 – Gaari bas oo sidey laacibiinta kooxda Turkiga ah ee Aytemiz Alanyaspor ayaa goor dhowayd gaddoomey, kaasoo uu ku dhintay weeraryahanka reer Czech ee Josef Sural isla markaana ay ku dhaawacmeen 6 laacib.

Gaarigan oo ay kooxdu soo kiraysatey ayaa Axaddii kasoo dhaqaaqay gobolka dhaca bartamaha dalkaasi ee Kayseri wuxuuna u socdey ciyaar ka tirsan horyaalka Turkish Süper Lig oo ay la ciyaari lahaayeen kooxda Kayserispor.

Yeelkeede, baska ayaa jidka uga dhacay meel u dhow Degmada Alanya oo ka tirsan gobolka koonfurta dhaca ee Antalya, iyadoo halka uu shilku ka dhacay ay ilaa 5 KM (3 mayl) u jirto bartamaha magaalada.

“Sida aannu ku heleeyno war kasoo baxaya dhanka Booliiska, waxaa gaariga isu bedbdelayay laba darawal oo labaduba lulmooday,” ayuu yiri guddoonka kooxda Alanyaspor, Hasan Çavuşoğlu.

Booliiska ayaa haatan gacanta ku haya labada darawal ee dayacaadda sameeyay.

Sida uu sheegay dhakhtarka kooxda Ismail Yetkin, dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay isbitaal goobta ka dhowaa, balse laacibka Sural, oo 28 jir ah, ayaa dhaawicii u dhintay, isagoo sababsaday dhiig bax gudeed iyo heerkulkiisa oo aad hoos ugu dhacay.

Hadalsame Media