Yuhuudda Maraykanka oo ka qayla dhaamisay kartuun lagu daabacay NY Times (Warar la isku tuurtuuray)

0

(New York) 29 Abriil 2019 – Majalladda New York Times ayaa raalli gelin ka bixisay kaartuun lagu daabacay wargayskaasi oo muujinaya MW Trump oo indhool ah isla markaaana uu hoggaaminayo RW Israel ee Benjamin Netanyahu oo eey ah isla markaana ay ka muuqato sumadda loo yaqaanno Xiddigtii Nabi Daa’uud (CS) oo ay Yuhuuddu u nisba sheegtaan.

Waxaa arrintaa aad uga qayliyay Guddiga Yuhuudda Maraykanka ee American Jewish Committee oo kaartuunka ku tilmaamay mid muujinaya Yuhuud nacayb ‘aan boos ka heleen webabka kooxaha aaminsan isla sarraynta caddaanka’.

Warqaadka The Times ayaa dhankiisa sheegay inuu qiranayo in kartuunkani xambaarsan yahay duurxul ka dhan ah Yuhuudda ama Saamiga, isla markaana uu yahay ‘meel ka dhac ay ku tala xumaadeen inay daabacaan.’

‘Raalli gelintaas lama aqbalin. Sidee ku dhacday inaad daabacdaan kartuun aan boos ka heleen webabka kooxaha Yuhuudda neceb idinkoo weliba eegay,’ ayuu soo Tweet gareeyay ururka AJC oo u jawaabayay wargayska.

Hadalsame Media