DAAWO: Maxaad ka taqaannaa gabadha sida DADBAN uga talisa Woqooyiga Kuuriya?

0

(Pyongyang) 27 Abriil 2019 – Kim Yo-jong oo ah walaasha hoggamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un, waxa ay ka mid tahay Golaha Sare ee gaara go’aanada dalkaasi, waa gabadha kaalinta ballaaran kulahayd in Kuuriyada Woqooyi iyo Maraykanku wada yimaadaan miiska wadahadalka.

Dad badan ayaa aaminsan in walaalkeed oo hoggaamiye ka ah dalkaasi uu yahay nin awood badan oo aan loo dhawaan karin, balse taasi xaqiiq ma wada aha.

Hagaha dadban ee furaha u haya siyaasadda Kuuriyada Woqooyi ayaa lagu tilmaamaa gabadhan, waana tan wax laga waydiiyo arrimaha masiiriga ah ee Kuuriyada Woqooyi. La’aanteedna siyaasadda dalka wax go’aan ah kama gaaro walaalkeed Kim Jong Un.

Kim Yo-jong, waa 30 jir aad u saameyn badan, waa tan sii jeedda ee ku aaddan madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, oo ay roogga guduudan kuwada taagan yihiin dhiggiisa Kuuriyada Woqooyi Mr Kim.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media