“Ilaahay wuxuu Axmed Bin Xanbal kuugu keenay FOORNADAADA isaga oo lugta laga jiidayo!” (Qiso qooraansi mudan)

0

(Hadalsame) 22 Abriil 2019 – Imaam Axmed Bin Xambal ayaa hadda kahor magaalo usafray, kaddib markuu tagay ayuu salaaddii cishaha masjidka aaday.

Cishihii markii uu tukaday, ayuu damcay in uu seexdo maadaama uuna haysan hooy iyo meel kale uu seexdo. Kaddib, waxaa u yimid waardiyihii masjidka waxa uuna ku yiri waa mamnuuc in masjidka la dhex seexdo.

Imaam Axmed Alle ha unaxariistee inta uu kacay ayuu afafka hore ee albaabka masjidka haddana seexday. Kaddib, waardiyihii markuu albaabka xirayay ayuu arkay, istaag ayuu ku yiri.

Imaamka ayaa yiri banaanka ayaan joogaa masjidka waan kasoo baxay. Waardiyihii ayaa ku jawaabay xittaa halkan waa mamnuuc. Kaddibna lugta inta uu qabtay ayuu jiiday oo fogeeyay.

Masjidka hortiisa waxaa ku ollaa dukaan roodhile ah. Ninkii lahaa dukaanka ayaa arkay Imaam Axmed oo ku yiri “kaalay ani ila seexo ilaa Fajarka”

Imaam Axmed ayaa arkay ninkii oo roodhiga sameynaya oo dubaya aadna u akhrinaya adkaar. Kaddib, waxa uu weydiiyay “Ilaa immisa ayaad sidan adkaarta u badisaa?” Roodhilihii ayaa ku jawaabay ilaa wakhti dheer.

Imaam Axmed ayaa ninkii weydiiyey maxaad barako ama faa’iido ka aragtay xuska Ilaahay oo aad badisay?

Roodhilihii ayaa ku jawaabay “Ilaahay Swt wax ma weydiisan illaa wuu isiiyey, hal wax kaliya ma ahan e’

Imaam Axmed ayaa yiri waa maxay hal kaas wax?

Roodhilihii ayaa ku jawaabay “In aan arko Axmed Bin Xanbal”

Imaam Axmed Bin Xanbal ayaa kaddib yiri “Ilaahay Swt waxa uu Axmed Bin Xanbal kuugu keenay foornadaada isaga oo lugta laga jiidayo.”

Maxaad kala baxday?

Xigasho: Cabdiraxmaan Cabdulqaadir

Hadalsame Media