Kenya oo doonaysa in loo badiyo balaayiin ay Somalia ku qaadato (Lacag loosoo fasaxay)

0

(Nairobi) 22 Abriil 2019 – QM ayaa lacag ka kala go’day iminka u shubtay ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia taasoo gaaraysa Sh3.75 bilyan oo shilinka dalkaasi bishii Maarso 29.

Lacagtan kaashka ah oo sare u dhigeeysa kaydka Wasaaradda Maaliyadda Kenya sida uu sheegay Wasiirka Henry Rotich oo sheegay in lacagtan ay ku heleen howlgalka AMISOM ee Somalia iyadoo ay lacagta mucayinka ihi tahay Sh3.757 bilyan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in ay lacagtan oo 4-tii biloodba mar la bixiyo ay kala go’day iyadoo kaliya heshay Sh10.20 milyan oo shilin 7-dii bilood ee ka horreeyay Febraayo, taasoo walaacisey maamulka Nairobi oo ay ciidamadoodu meelo fara badan ka bexeen.

Yeelkeede, lacagta ay heleen bishii hore ee Maarso ayaa ka dhigan 44.2 boqolkiiba Sh8.5 bilyan oo ay Wasaaradda Maaliyaddu sanadkan sugaysay.

Lacagta iminka la shubay waxay Sh922.87 milyan ka yar tahay Sh4.68 bilyan oo la bixiyay xilligaas oo kale sanadkii hore ee 2018.

Kenya ayaa lacag intaa ka badan ku dalbanaysa joogitaankeeda Somalia oo aan wax micne ah oo amaan aan ku kordhin dalkaasi, marka laga reebo dhibaatooyin ay ciidamada KDF u gaystaan amaanka iyo dhaqaalaha Somalia.

Somalia oo ah dal ay dadkiisu gabeen ayaa baylah u ah dhiig miirad caalami ah, iyadoo aysan mushahar ku filan helin ciidamada dalka Somalia, taasoo marka lagu daro hoggaan xumo, han yari qaran, faham iyo rabitaan la’aan dhanka Soomaalida ah, lug jiidaysa in la dhiso ciidamo tayo leh oo la wareega amaanka dalka.

Hadalsame Media