Taagerayaasha Juventus oo ka xiisa dhacay horyaallada maxalliga ah ee Juventus (Daawo wixii xalay ka dhacay Torino)

0

(Torino) 21 Abriil 2109 – Juve ayaa markii 8-aad oo xiriir ah noqotay horyaalka Talyaaniga, balse taageereyaasha kooxdu si wayn ugu ma dabaaldegin.

Barxadii ay isugu imaan jireen ee Piazza San Carlo waxaa joogay wax ka yar 200 oo ruux halkii ay awal kumanaan isu iman jireen, taasoo ah astaan aan wanaagsanayn.

Sababta ayaa lagu sheegay in taageereyaasha kooxda ay weli dhagahooda ka sii yeerayso guuldarradii ay kala kulmeen Ajax rubuc-dhamaadka Champion League.

Sidaa darteed, ku guuleysashada horyaalka sanadkii 8-aad ee isku xigta wax micno uguma fadhiyo marba haddii ay qalbi jab kala kulmeen Koobka Horyaallada Yurub.

Shalay intii ay ciyaartu socotay ciyaaryahanadu waxay isku dayeen in ay taageereyaashooda la dabaaldegaan laakiin waxaa dhacaysey inay sacbiyeen wax yar xitaa mararka qaar waxaa dhaceysay inay laacibiinta ku orriyaan ama ku buuqaan carro darteed.

19 Maajo ayay macquul tahay inay markale iskugu soo baxaan barxadaha magaalada Torino kuna dabaaldegaan, sida uu qabo Macallin Allegri oo sheegay in guushan aan baryo lagu helin loona dabaaldago.

Yeelkeede, Juve ayaa iyadu koobka u dabaal degi karta kulanka ugu horreeya ee ay gurigeeda ku dheelayso oo ah Derby della Mole oo ay Torino la ciyaarayso.

Halkan ka daawo hal taageere oo calan la maraya bartamaha Torino

 


Hadalsame Media