DAAWO: 6 qarax oo dhacay, 3 hoteel & 3 kaniisadood oo la weeraray, ugu yaraan 160 ku dhimatay (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Colombo) 21 Abriil 2019 – Qaraxyada oo markii hore 4 lagu sheegay ayaa iminka la sheegayaa inay 6 yihiin kuwaasoo lala eegtay hoteello qaali ah iyo kaniisado ay Easter-ka ku maamuusayeen dad Masiixi ah.

Qaraxyada ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 160 qofood inta haatan la ogyahay, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale, sida ay xaqiijinayaan maamulka maxalliga ihi.

Qaraxyada ayaa abaarihii 8:45am xilliga maxalliga ka kala dhacay kaniisadda St. Anthony’s Church oo Colombo ku taalla iyo St. Sebastian’s Church oo Negombo ah, taasoo ah magaalo ay ku badan yihiin Masiixiyiinta mad’habta Catholic-ga oo ku taalla bannaanka caasimadda.

Kaniisadda Zion Church ee Batticaloa oo ku taalla xeebaha bari ayaa iyadana la bartilmaameedsaday.

Isla waqtigaas waxaa la beegsaday hoteellada qaaliga ah ee shanta xiddigood ee Shangri-La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury, sida ay booliisku xaqiijiyeenna weerarradani waa kuwo xiriir leh.

Ugu yaraan 138 qof ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen 402 qof ilaa iminka, sida ay saxaafaddu werinayso.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambaysa, cid sheegatayna ma jirto.


Hadalsame Media