Hub aad u fara badan oo Somalia ku gubtey (Maamul-goboleedkii lahaa oo aan la xiriirney)

0

(Gaalkacyo) 21 Abriil 2019 – Wararka hadalsame uu ka helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  deggaanka Docol  uu ku gubtay  Bakhaar hub ugu keydsanaa Maamulka Galmudug.

Hub aad u tira badan  ayaa la sheegayaa in ay gubteen, waxana la maqlayay dhawaqa rasaasta culculus  ee  dhashay dabka.

Lama xaqiijin sababaha keenay in  in Bakhaar hub ugu kedsanaa Galmudug uu ku gubtay deggaanka Docol ee gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in faahfaahina y ka bixiyaan   hubka  gubtay oo lahaa noocyo kala duwan.

Bakhaarkan ayaa ahaa Keyd hub oo wayn oo uu lahaa  maamulka Galmudug, waxana  halka  dabka uu ka kacay ee  Docol qiyaastii 40km u jira Magalada Gaalkacyo.

Hadalsame Media