JOOJI JARISTA: GEEDKA dayso waa NOLOSHAADEE!

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2019 – Dhirtu waxay ka mid tahay Khayraadka Rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo la wada garanayo, balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faa’iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay, kuwaasi oo nolosha u bahan tahay, Dhirta waxaa lagu tilmaami karaa Gogosha dhulka waa bilic iyo qurux Eebbe uu ku manaeystay.

Magaalada Muqdisho ayaa mar la oran jiray magaaladi cagaarneed waxaayna dhirtu ku beerneed goobaha Jardiinooyinka , Jidadka iyo waliba guryaha, iyadoo halku dhigyada dhirta uu ahaa “haddaad Geed goyso Geed beer”, waxaana sanadadii 1980-maadkii la bixiyay magaca ah “Kacaankii Cagaarnaa” oo loola jeeday in lagu baraarugsaano dhireynta Caalamka.

Haddaba iyadoo la weyneynayo Xuska maalinta dhirta oo ku beegneyd shalay oo ay bisha Apriil ay aheyd 17-ka, ayaa waxaa lagu kala qabtay Gobolada dalka, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulada gobolada, waxaana looga hadlay ahmiyadda ay dhirtu u leedahay deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha jara dhirta, maadaama ay dhirtu nolol u tahay dadka, Duunyada iyo deegaankaba.

Xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa dhamaantood ku baaqay in la joojiyo jaridda dhirta iyagoo ballan qaaday in Ciidamada iyo shacabkuba ay si wadajir ah uga hortagi doonaan Kooxaha u soo jeestay jarista dhirta oo laf dhabar u ah nolosha dadka iyo duunyadaba.

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta dhirta adduunka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkaa oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay 3000, oo dhir ah.

Geedaahaa ayaa qaarkood lagu beeray goobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, Barxadda Yaasiin, Taalada SYL iyo darjiinooyin kale oo aad u muhiimsan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo shalay ka qayb galay xuska maalinta Dhirta Soomaaliyeed, ayaa daah furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero Dalka hal milyan oo geed.

Dhiraynta dalka ayaa qeyb ka ah halbeegyada ay wasaaradda Xanaanada xoolahu ku leedahay tubta horumarinta dhaqaalaha, si looga hor tago xaalufinta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee ay kamidka yihiin duufaanta, fatahaadaha iyo abaaraha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in haddii muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu beero hal geed in dalka si wanaagsan loo dhirayn karo, sidaa darteed ay muhiim tahay in laga wada qayb qaato ololaha dhir beeridda dalka.

Haddaba annagoo og ,muhiimada ay dhirtu u leedahay Noolaha ayaa hadda waxaad arkeysaa in waayadaan dambe la arkayo Kooxo badan oo u soo jeestay inay jaraamn dhirta iyagoo aan u aabba yeeleen, si siman, waxaana inta badan ay dhigtaan jariddooda lacag ay ka abuuraan Dhuxusha.

Sidaasi awgeed waa in loo soo jeestaa badbaadinta Dhirta si looga gaashaanto xaaluf deegaaneed iyo Abaaro soo noq-noqda, marka waxaan leenahay Geedka daa waa noloshaadee.

Waxaa Qoray: C/laahi Ruush

Hadalsame Media