MW Cuba oo arrin xasaasi ah kala hadlay MW Somalia & dhiggiisa Kenya

0

(Havana) 19 Abriil 2019 – MW Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa telefoonka kula hadlay dhiggiisa Somalia iyo Kenya isagoo ku boorriyey inay ku dadaalaan sii daynta laba dhakhtar oo Cuban ah oo Kenya laga qafaashay laba todobaad kahor.

Diaz-Canel ayaa Twitter-ka ku sheegay inuu la hadlay MW Kenya ee Uhuru Kenyatta iyo Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed “taasoo qayb ka ah dadaallo lagu xaqiijinayo soo furashada labada dhakhtar.”

Labadan dhakhtar oo kala ah Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa si gaadmo ah waxaa 6 maalmood kahor Mandheera uga qafaashay kooxda Al-Shabaab, iyagoo howlo dawayn ah oo asaasi ah ka wadey magaaladaa Soomaaliyeed. Waxaa isla goobta lagu diley sarkaal booliis ah oo ilaalinayay.

Dhakhaatiirta ayaa qayb ka ah ilaa 100 dhakhtar oo ay Cuba u dirtay Kenya, si ay adeeg caafimaad oo bilaash ah u siiyaan dadka ku dhaqan meelaha fog fog.

Hadalsame Media