Ma taqaan MACQUUL aan MAANGAL ahayn? (Arag inta qodob ee naga khaldan)

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2019 – Xisaabta waxaa ku jira qeyb aan indhasarcaad waxba ka duwanayn. Waxaa jira in laguu caddeyn karo in hal uu laba la egyahay adigoo aan garan karin halka ay wax ka khladan yihiin.

Xisaabta noocaas ah waxaa la yiraa Mathematical Fallacy. Waxan isku dayay in aan Fallacy-gaas meel badan ka baaro. Waxaan soo ogaaday in aan leenahay wax badanoo macquul inoogu muuqda balse aan maangal ahayn.

Waxaa leenahay social fallacy, waxaan leenahay religious fallacy, waxaan leenahay political fallacy. Faalcy-gu wuxuu ku saarayaa waddo dheer oo qurux badan laakin aakhirki ku dhammaneysa meel khaldan. Inti aad waddada soo haysay ma aadan garan karin in wax uun ay khaldanaayeen.

Waxaan leenahay Religious Fallacy oo Xagga diinta ah. Marka aad fiiriso xagjirnimadu waa fallacy mana garan kartid in waddada aad saarantahay uu dhaamaadkeedu khaldan kuna geyn doonto is-qarxin. Waxaan leenahay Social Fallacy oo ah in markaan kala maqanahay is-sheegano oo isu soo gurmano, markaan isu nimaadna aan is-kala sheegano oo qolaba ay meel gooni u baxdo qabiil ahaan.

Haddii aad weyddisid war maxaad gooni ugu baxdeen wuxuu ku leeyahay inteena isku qaaraan baan nahay moooye bushi kale ma jiro, waana macquul in ay qaaraan iska uruuriyaa, laakin maangal ma aha in qaaraann ahaan u baxaan haddii uusan meesah qabiil ku jirin.

Waxaan leenahay Political Fallacy oo ah midda keentay in wii dawlado ahaa ee la soo dhisay tan iyo 1991kii ay ku dhammaddeen waddo dhiig iyo weji gabax ah iyadoo tan maanta ugu dambeysa ee inoo dhisan ay la tacaaleyso sidii ay caasimadda u nabdeyn lahayd inta kale Allaheeda ka Alle ah.

Gunnanad: Fallacy-ga bullshada weynu naqaan halka uu inaga soo galay.Wuxuu inaga soo galay xagga dhaqanka qabiilka ku saleysan, ka diintana waanu naqaanaayo wuxuu inaga soo galay dawlado shisheeye oo xagjirnimada iyadoo sidi mashiin oo kale u rakiban diinta soo raaciyay Ka siyaasadda isagu xagee buu inaga soo galay?

Ka siyaasadda inagaa keenay, cidina inooma keenin. In Gole Shacbi oo ah ubucdii dawladnimada aan dhisan weyno innagooo aan qabiilo kala ahayn, waa mid aan inagu keenay.

In dalka gudihiisa laga waayo meel ay Soomaali sugu tegi karto oo dawlad qaran ku dhisan karto oo dawladdedu dibedda lagu soo dhiso inagaa keenay, shisheeye inooma keenin.

In dawladda iyo shacabkeeda shisheeye is-baro inagaa keenay oo shisheeye ma keenin. Akhristow intaa ku dar wixi aad raacin lahayd.

Waxaa Qoray: Cabdi Nuur Maxamed

Hadalsame Media