Soomaalida qurbaha oo uu kusoo badanayo cudurka DHIMIRKU (Dad geeriyoodey & daraasad la sameeyay!)

0

(Bristol) 18 Abriil 2019 – Urur bulsho oo ka dhisan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay inay sanadihii dambe soo kordhayso Soomaalida u geeriyoonaysa kiisas la xiriira cudurrada dhimirka.

Sahan cilmiyeed uu sameeyay ururka Codka Soomaalida Bristol Somali Voice oo la hadlay dadka deggan Lawrence Hill iyo Easton, ayaa isku dayey inay ogaadaan sababta.

Waxay sheegeen inay soo heleen in aysan Soomaalidu raadsan ama helin adeegyada la xiriira dawaynta cudurrada dhimirka, ama ay helaan xilli ay xeero iyo fandhaal kala dheceen.

Waxay eedda qayb ahaan saareen Soomaalida lafteeda oo dhaqan ahaan cudurrada dhimirka u arka eed uu qofku leeyahay, taasoo keentay in aanu qofku dhakhtar u tegin inta goori goor tahay.

Waxay sheegeen in cudurrada dhimirku ay Soomaalida dhankeeda ka yihiin wax aan laga hadlin (ama waaba la isku caayaa), iyadoo aanay xitaa jirin erayo ku filan oo lagu kala saaro cudurrada dhimirka, iyadoo qofkii tusaale ahaan diiqadaysan la iska geliyo khaanadda ”waallida.”

Mohamed Abdi Sayaqle iyo Abdul Ahmed oo u shaqeeya Bristol Somali Voice ayaa sheegay in tira-koob ahaan uu aad u sarreeyo saamiga Soomaalida ka sheeganaysa cudurrada dhimirka marka loo eego umadaha kale ee UK.

Bristol Somali Forum ayaa iyaguna sheegay in 40% uu Soomaalida UK ku dhoco nooc buufiska ka mid ah, balse 82% aysan la xiriirin dhakhaatiirta cudurrada dhimirka.

Arrintan ayaa ah mid guud ahaan sanadihii dambe laga dareemayay dalal badan oo qurbaha oo ay Soomaalidu ku nooshahay, iyadoo baraha bulshada lagu arko dad badan oo maraya marxaladaha kala duwan ee cudurrada dhimirka oo umadda toos ula hadlaya, iyadoo aan la siinin wax daryeel ah.

Hadalsame Media