Dalal ay Somalia ugu horreeyso oo wajahaya xaalad HALIS ah!

0

(Nairobi) 18 Abriil 2019 – Roob yaraan ka jirta guud ahaan Geeska iyo Bariga Afrika, waxaa loo baahan yahay tillaabo deg deg ah si looga baaqsado xasarad cunto oo ka dhacda gobolka, sida ay ku taliyeen 8-dal oo gobolka dhaca.

Saraakiil ka tirsan Urur Goboleedka IGAD oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa ka digey amaan darri dhanka cuntada ah oo ka dhacda dalalka Kenya, Ethiopia, Somalia, Uganda, Djibouti, Eritrea, iyo South Sudan.

Maxbuub Macallin, Xoghayaha Guud ee IGAD, ayaa sheegay in tirakoobka ay sameeyeen uu muujinayo in roobka guga ee da’ay bartamaha Abriil uu yahay midkii ugu yaraa tan iyo 1981-kii.

Meelaha ugu darani waa Koonfurta Kenya, inta badan Somalia, gobolka Soomaalida Itoobiya maamusho iyo meelo ka tirsan Uganda, waxaana sababta lagu sheegay isbedelka cimilada.

“Waxaannu iminka ku jirnaa marxaladdii xasaradda. Si deg deg ah ayaan se ku gaaraynaa marxaladda degdegta iyo macluusha, waayo waxaa kasii daraysa xaaladaha degaanka, waana in ay dalalku waxqabad la yimaadaan.” ayuu yiri Maxbuub.

Sida ay qabto IGAD, 2.76 milyan oo carruur 5-jir ah ayaa la filayaa in ay ku macluulaan Itoobiya, in ka badan 900,000 oo Somalia ah, iyo in ka badan 540,000 oo Kenya ah.

Hadalsame Media