SIMBA-KUBWA: Libaax maroodi cuni kara oo laga helay dalka Kenya

0

(Nairobi) 18 Abriil 2019 – Libaax cimlaaq ah (giant) isla markaana ku hubaysan miciyo aad u waawayn una afaysan lana sheegay inuu tigaadleeyda Kenya wareegayay 20 milyan oo sanadood kahor ayaa haraagiisii laga helay Kenya.

Libaaxan oo la sheegay inuu yahay xayawaanka caanaleeyda ah ee hilibka quuta midkii abid ugu qara waynaa ayaa dhulka laga soo qoday.

Waxaa la helay qalkiisii hoose, ilkihiisii iyo lafo kale, wax loo bixiyey magaca Libaaxa Afrika ee wayn – ”Simbakubwa kutokaafrika.”

Waxaa la qiyaasayaa inuu culayskiisu ahaa 1,500 kiilo garaam, isagoo cuni karey makhluuq la eg maroodiga xilligiisii marka la eego ilkaha libaax waynahan Simbakubwa oo ahaa hilib cune aad u firfircoon aadna uga wayn libaaxa iyo madax kutiga casrigan, sida uu sheegay Matthew Borths, oo ka tirsan Duke University, oo daraasaddan la hoggaaminayey Ohio University.

Markii la sawir qiyaaso waa sidii bisad wayn oo diilimo iyo miciyo dhaadheer leh, waxaana warbixintan oo lagu daabacay warsidaha ka faallooda xayawaanka iyo dhirtii hore ee Journal of Vertebrate Paleontology, halkaasoo lagu xusay in libaaxani uu Kenya ku noolaa 23 milyan sano kahor, xilligaasoo ay ku sheegeen jeer ay tadawur samaynayeen xayawaanka hilibka cuna (carnivorous).

Hadalsame Media