”Waxaa igu khasabtay baahida carruurtayda!” – Nin lagu qabtay hilibka duurjoog…

0

(Garbatulla) 15 Abriil 2019 – Nin 33-jir ah oo beeraleey ah ayaa lagu qabtay isagoo sita hilib duur joog, kaasoo iminka maxkamadda ka codsaday in la sii daayo.

Ninkan ayaa ku doodaya inuu duur joogtan u qashay, si uu ugu quudiyo ilmihiisa oo baahi iyo macluul u dhimanaya.

Ninkan oo la yiraahdo Mr Sammy Mwenda ayaa qirtay inuu ilaa 3 biciid oo yar yar kasoo ugaarsaday xerada xayawaanka ee Meru National Park, taasoo sharci darro ka ah Kenya, isagoo sheegay inuu sidaa u yeelay si uu reerkiisa ugu loogo.

Ninkan ayay booliisku ku qabteen isagoo kiish ku sida raqda 3-da biciid isla markaana maraya tuulada Duse, oo hoos tagta Garbatulla oo ka tirsan ismaamulka Isiolo County.

Hadalsame Media