KASHIF: Israel oo ku faantay inay iyadu ka dambaysey afgembigii MURSI (Tillaabooyinka ay qaadday)

0

(Tel Aviv) 15 Abriil 2019 – Israel ayaa si cad ugu faantay inay iyadu ka dambaysey in la qallibo xukunkii Madaxwaynihii la doortay ee Mohamed Morsi, oo afgembi lagu ridey 2013, sida uu sheegay Sarreeye Guuto ka tirsan Ciidanka Israeli, Aryeh Eldad, oo warkaa ku qoray warside maxalli ah.

Sida uu kasoo xigtey wargayska Maariv “kacaankii Jannaayo ee Masar waxaa kasoo baxay Mohamed Morsi, oo ah nin Ikhwaanul Muslimiin ah, kaasoo doonayay inuu baabi’iyo heshiiska Masar iyo Israel iyo inuu ciidamo usoo diro Siinaay.” ayuu yiri Eldad.

“Marka ay halkaa joogto, Israel waxay ka shaqaysiisey awooddeeda diblomaasiyadeed, si ay kursiga u saarto Abdel Fattah Al-Sisi iyadoo MW Barack Obama ka dhaadhicisay inuusan tillaabadaa mucaaradin.” ayuu raaciyay.

Eldad ayaa carrabka ku adkeeyay in “Israeli lafteedu la yaabban tahay inuu 40 sano kaddib weli shaqaynayo heshiiskii Camp David, balse aan weli la xallin khilaafka Yuhuudda iyo Falastiin.

”Waayo dagaalkaasi ma aha mid siyaasadeed oo qura, oo annaga, Falastiin iyo Carabta waxaa naga dhexeeya dagaal diimeed.” ayuu qirtay.

Hadalsame Media