LIVERPOOL VS CHELSEA: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(Liverpool) 14 Abriil 2019 – Waxaa galabta dhacaya kulanka sida wayn looga dhur sugayo ee muhimka u ah aayaha horyaalka Premier League dufcaddiisa sanadkan, kaasoo Anfield ku dhex maraya kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Dhanka Reds: Liverpool oo aan abidkeed qaadin koob EPL ah – ugu yaraan magac ahaan – ayaa doonaysa inay figteeda sii joogto, waxaa se cadaadis niyadeed sii fuuli doonaa haddii ay badiso kooxda ay is hayaan ee Man City oo u marti ah Crystal Palace sidaana ku cunto labada dhibcood ee ay ku hoggaaminayaan, taasoo Reds khasab kaga dhigaysa inay Chelsea ka raayaan.

Dhanka Chelsea: MacallinkaChelsea ee Sarri ayay khasab ku tahay inuu soo safo koox u babac dhigi karta kooxda Liverpool oo horyaalka u hanqal taagaysa.

Kepa Arrizabalaga ayaa ah qabtaha aanay dooddu ka taagnayn, balse daafaca dambe waxaa kusoo noqonaya Emerson Palmieri iyo David Luiz iyagoo boosaska ka qaadanaya Marcos Alonso iyo Andreas Christensen, halka Cesar Azpilicueta iyo Antonio Rudiger ay boosaskooda xajisanayaan.

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Keita; Salah, Firmino, Mane

Chelsea (4-3-3): Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Emerson; Kante, Jorginho, Loftus-Cheek; Hudson-Odoi, Giroud, Hazard

Hadalsame Media