Weriye haddii aadan dalkaaga wax ku tarayn wax ha u dhimin (Baroo doorka weriye uu dalkiisu kasoo kabanayo Dagaal Sokeeye)

0
(Hadalsame) 10 Abriil 2019 – Kemal Kurspahic oo tafatire ka ahaan jiray Wargeysga Oslobodenje oo ka soo baxaa Bosnia ayaa 2007 ku kordhiyay dunida cashiro wax ku ool ah kuwaas oo ku saabsan doorka nabadeynta saxaafada wadamada ay colaaduhu ka jiraan.Talooyinka Kemal oo badankooda maanta loo isticmaalo xalinta colaadaha iyo wada xaajoodka waxaa ka mid ahaa:

1. Saxaafaddu ka fogaato baahinta hadalada naceybka iyo kicinta abuuri kara

2. In saxaafaddu sameyso maqaalo ama barnaamijyo lagaga doodo xalka si cilmiyeeysan

3. In saxaafadu ka eegto tabinta colaadaha raadadka xun oo ay reebtay una ifiso bulshada khasaaraha colaadda.

5. In saxaafaddu abuurto doodo lagaga hadlayo Xalka

6. In doowladuhu joojiyaan xakameynta saxaafada oo xaq loo siiyo in ay war helaan isaga oo taa ku micneeyay hadii saxaafadu weyso xogta dhabta ah in qaarkeed ay sheeko iyo warka suuqa tabiyaan taa oo xaalad abuuri karta

Haddaba Talooyinka Kemal ma u baahanahay haddii aan nahay saxaafadda dal colaadi ay la dagtay sida Somalia?!

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media