DAAWO: Ciidamo Komaandoos ah oo si gaar ah u tababaran oo Muqdisho kasoo degey + Sawirro

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartey dayuurad xamuul ah oo ah nooca Hercules C-130 ee uu Maraykanku sameeyo oo sidda ciidamo Komaandoos ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Ciidamadan oo qaba dhamaanba xeeladaha asaasiga u ah ciidan Komaandoos ah oo xirfadle ah ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Muqdisho kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Jen. Daahir Indha Qarshe.

Ciidamadan ayaa ka qayb qaadan howlgallada xoraynta dalka, sugista amaankiisa iyo qorshayaasha lagu soo nooleeynayo Ciidamo xirfad leh oo uu dalku yeesho.

Waxaa horay u jirey ciidamo Komaandoos ah oo uu Maraykanku tababaray, kuwaasoo lagu magacaabo Danab oo iminka iyagana la kordhinayo.

Ciidamadan ayaa saaka laga soo sagootiyey dalka Turkiga, sida aad sawirrada ka arki kartaan.

Turkiga ayaa ah dalka qura ee door lixaad leh ka qaadanaya tababarka ciidamada Somalia, oo ah dal aan weli samaysanin nidaam dhexe oo wax ku ool ah oo lagusoo noolayn karo ciidamadii dalka.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media