”Boqol kun baa halkii qarax ku baxda. Yaa bixiya kharashka badan ee QARAXYADA?”

0

(Muqdisho) 08 Abriil 2019 – Waxaa beryahana magaalada Muqdisho iyo hareereheedaba ka soconayay baaritaanno iyo halwgallo ay wadeen Ciidamada Amaanka Somalia oo dadaalladooda laba laabay.

YAA BIXIYA KHARASHAADKA QARAXYADA?

Cabdinuur Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada DF Somalia ayaa arrintaasi dood ka keenay, wuxuuna soo qoray:

”Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun.”

”Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin waba lagu xasuuqayo shacabka birimageyda ah?” ayuu daba dhigay, iyadoo ah arrin muddo jawaab loo raadinayay, balse meelaha qaar faruhu ku fiiqan yihiin.

”Waa arrin u baahan baaris qotodheer, ciddii lagu helo in ay si toos ah iyo si dadban u caawisana waa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadaa.

DF Somalia ayaa muujinaysa inay dareensan tahay inay jiraan gacmo qarsoon oo daaha gadaashiisa wax ka haga, kuwaasoo aad uga fog kuwa loo malaynayo.

”Wiilashan yaryar ee maskaxda laga xaday mashruucan kali kuma aha. Dalalka iyo shakhsiyaadka Soomaalida iyo ajnabiga ah ee ku lug leh waa in cagta cagta loo saaraa.” ayuu ballan qaaday, iyadoo ay jawaabtu utaallo isla DF Somalia.

Hadalsame Media