DAAWO: ”Qarankayga & qoyskaygaba sawir khalad ah ayaa laga bixiyey!” – Gabar uu awoowe u yahay Saddaam Xuseen oo afka furatay! (Buug ay qortay)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2019 – Si khaldan ayaa loosoo bandhigay taariikhdii dalka Ciraaq, sida ay qabto gabar uu awoowe u yahay MW hore ee dalkaasi ee Saddam Hussein.

Hareer Hussein Kamel, oo buug cusub arrimaha dalkeeda ka qortay, ayaa RT u sheegtay in ay quud darraynayso in buuggeeda cusubi oo soco khaladka laga qoray qoyskeeda iyo guud ahaanba sooyaalka dalkeeda.

“Waxaan buuggan u qoray si aan runta u sheego. Taariikhda dalkayga si wayn baa loo warac geddiyey,” ayay ku doodday Kamel oo intaa raacisay inay dareentay “mas’uuliyadda ka saaran sharraxaadda arrimahaasi” gaar ahaan sida Ciraaq iminka loosoo bandhigay iyo weerarkii qoyskeeda lala beegsaday.


Saddam Hussein ayaa dalkaasi ka talinayay muddo 25 sanadood ah ilaa ay xilka ka tuureen ciidamada Maraykanka oo duullaan ku qaaday 2003-dii, kaddibna qudha ka jaray iyagoo Shiicada dalkaa u badan ku kiciyey.

Waxaa dilkiisa loo cuskaday meel ka dhacyo xuquuqda insaanka ah oo dhacay intii uu xilka hayey, waloow weerarka Maraykanku uu dalkaasi u gaystey burbur mood iyo noolba ka badan midka Saadaam lagu eedeeyay.

Maraykanka ayaa dalkaasi u gaystey burbur baahsan oo keenay inay is cunaan qoowmiyadaha kala mad’habta ah ee dalkaasi, taasoo ay dheer tahay inuu dalkaasi noqday meel ay ku xoogaystaan kooxaha xag-jirka ah oo dhinac kasta dhib u gaystey haba ugu badnaadeen midka ay u gaysteen dadka reer Ciraaq.

Gabadhan ayaa lagu wadaa inay xog badan kusoo bandhigto buuggan cusub ee ay iminka qortay, taasoo aan ka farxin doonin Shiicada xukunka la wareegtey.

Waraysiga oo dhamaystiran waxaa la sii dayn doonaa maanta gelinka dambe.

Hadalsame Media