Kooxda AC Milan oo doonaysa Mauricio Pochettino (Miisaaniyad £300m oo gini ah oo loo diyaariyey)

0

(Milano) 08 Abriil 2019 – Kooxda AC Milan ayaa la sheegay in ay qaadanayso macallinka  Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ay farta ka saarayso adduun lacageed oo dhan £300milyan oo gini si uu uga soo dukaamaysto suuq xagaaga soo aaddan.

Xoghayaha Fulinta Milan ee Ivan Gazidis, oo horay uga tirsanaa maamulka sare ee kooxda ay Spurs ay ku xafiiltamaan Woqooyiga London ee Arsenal, ayaa gacanta laga saaray howsha dib loogu soo celinayo kooxdan oo sanadihii yaraa ee dambe hoos u dhacday.

Wararka ka imanaya Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaana sheegaya in Pochettino ‘uu figta sare uga jiro macallimiinta Milan lala xiriirinayo’ iyadoo ay aad ugu badan tahay in dhamaadka fasalkan kooxda laga diro Gennaro Gattuso.

Sida uu dhigayo Daily Mirror, Gazidis ayaa macallinka reer Argentine ee asal Talyaaniga ah u diyaariyay lacag fiican oo uu kusoo iibsado xiddigaha uu doonayo si ay Milan markale Juventus ugu qabsato horyaalka Serie A.


Hadalsame Media