SIR DAYACANTAY: Sir xambaarsan xog xasaasi ah oo ka dhexeeysa Hindiya & Israel oo meel cidlo ah laga helay! (Daawo)

0

(New Delhi) 03 Abriil 2019 – Dokumentiyo sir culus xambaarsan oo ay ku qoran yihiin heshiisyo qarsoodi ah oo dhanka hubka ah oo u dhexeeya Hindiya iyo Israel ayuu makhaayad uga kacay sarkaal Israeli ah oo amaanka ka shaqeeya.

Sida lagu qoray warqaadka Israel kasoo baxa ee Haaretz, waxa xogtan xasaasiga ah looga tegey makhaayad laga cunteeyo oo ku taalla caasimadda Hindiya ee New Delhi.

La Taliyaha Hay’adda Amaanka Qaranka Israel (NSA), Meir Ben Shabbat, ayaa wefdiya Israeli ah bishii Jannaayo ula safray Hindiya, halkaasoo ay kula kulmeen RW Narendra Modi iyo saraakiil dhiggooda ah oo dhanka amaanka ah oo Hindi ah.

Safarkaasi ayaa se ku bilowday si aanay jeclaysan wefdiya Yuhuudda ihi, waayo kaaliyeyaasha Shabbat ayaa dokumentiyadaa xasaasiga ah uga tegey makhaayad ay ka cunteeynayeen oo ku taalla New Delhi.

Xogtan ayaa waxaa helay kabalyeeri makhaayadda ka shaqaynayay, kaasoo ay nasiiib ku dhacday inuu saaxiib la ahaa gabar ay hooyadeed ka shaqayso Safaaradda Israel ee Delhi.

Wiilkii ayaa deeto gabadhii u gacan geliyay dokumentiyadii oo ay u dhiibtey hooyadeed, taasoo iyaduna u sii dhiibtey madaxa amaanka ugu qaybsan Safaaradda.

Sida laga soo xigtey xafiiska RW Israel, wax halis ah ma gelin sirta qaran ee dalkaasi, iyadoo Kaaliyihii la Taliyaha Amaanka Qaranka ee dokumentiyada dayacay digniin culus la siiyay, kaddib baaritaan dhacay.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay dayacmaan dokumentiyo sir ah oo ay Israel leedahay, iyadoo bishii Luulyo ee sanadkii uu tuug la baxsaday gaari uu lahaa Xoogga Dalkaasi ee IDF qaybta ku mataanaysan Safaaradda dal Yurub ah oo aan la carrabaabin, kaasoo lagala baxay laptop ay ku jirtey xog xasaasi ah.

Hadalsame Media